Shirka ay isugu yimaadeen hogaamiyeyaasha xisbiyada mucaaradka Soomaaliya ayaa galay maalintiisii labaad, iyadoo la filayo in lasoo gaba-gabeeyo maalinta berri oo ku beegan 30ka May 2025.
Shirkan oo si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho ayaa ujeedkiisu yahay mideynta mowqifka siyaasadeed ee mucaaradka, iyo dhismaha hannaan hogaamineed oo rasmi ah oo metela codkooda siyaasadeed, kana turjuma danahooda guud.
Qodobada Muhiimka ah ee Shirka Lagu Falanqeeyay:
-
Hannaanka Doorashooyinka Soo Socda: Waxaa si weyn looga dooday qaabka ay doorashooyinka dalka u dhacayaan, iyadoo mucaaradku dalbanayaan nidaam caddaalad iyo daahfurnaan ku saleysan si loo hubiyo kalsoonida shacabka.
-
Amniga Qaranka: Ka qeybgalayaasha ayaa si qoto dheer u falanqeeyay xaaladda amni ee dalka, gaar ahaan khatarta kooxda Al-Shabaab. Waxaa dowladda loogu baaqay in ay xoojiso la-dagaalanka argagixisada iyo horumarinta hay’adaha ammaanka qaranka.
- Advertisement - -
Midnimada Mucaaradka: Waxaa socda wadatashiyo ku saabsan sidii mucaaradku u yeelan lahaayeen hal mowqif mideysan. Waxaa la isla gartay in la dhiso gole ama guddi rasmi ah oo matala mucaaradka, si loola xaajoodo dowladda federaalka iyo beesha caalamka.
Warar laga helayo gudaha shirka ayaa muujinaya in ay socdaan wadahadallo kulul oo ku saabsan magacaabista hoggaan rasmi ah oo mucaaradku yeeshaan, waxaana la filayaa in warmurtiyeed rasmi ah laga soo saaro maalinta berri.
Ka Qeybgalayaasha Shirka:
Waxaa shirka fadhigeeda ka muuqda hoggaamiyeyaal hore xilal sare uga soo qabtay dalka, siyaasiyiin mucaarad ah oo caan ah, iyo wakiillo matalaya xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira.
Saadaal Siyaasadeed:
Shirka ayaa loo arkaa fursad dahabi ah oo mucaaradku ku mideysan karaan aragtidooda siyaasadeed, uguna diyaar garoobi karaan doorashooyinka soo socda. Saadaasha siyaasadeed waxay tilmaamaysaa in natiijada shirka ay saameyn weyn ku yeelan karto jihada siyaasadeed ee dalka.
