HomeWararXiddigo Magac Leh oo Kasocda FIFA oo Maanta Kusoo Degaya Muqdisho

Xiddigo Magac Leh oo Kasocda FIFA oo Maanta Kusoo Degaya Muqdisho

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

 Wafdi heer sare ah oo ka socda Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka (FIFA) ayaa lagu wadaa in maanta ay soo gaaraan magaalada Muqdisho, caasimadda Soomaaliya, iyagoo wadata fariin taageero iyo dhiirrigelin ah oo ku wajahan horumarinta kubadda cagta dalka. Wafdigan oo ka kooban ciyaartooy hore oo caan ka ahaa qaaradda Afrika iyo horyaalada caalamka, waxaa ka […]

- Advertisement -

 Wafdi heer sare ah oo ka socda Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka (FIFA) ayaa lagu wadaa in maanta ay soo gaaraan magaalada Muqdisho, caasimadda Soomaaliya, iyagoo wadata fariin taageero iyo dhiirrigelin ah oo ku wajahan horumarinta kubadda cagta dalka.

Wafdigan oo ka kooban ciyaartooy hore oo caan ka ahaa qaaradda Afrika iyo horyaalada caalamka, waxaa ka mid ah xiddigo waaweyn sida Samuel Eto’o, halyeygii hore ee Barcelona iyo madaxa Xiriirka Kubadda Cagta Cameroon; Jay-Jay Okocha, oo si weyn loogu xasuusto xulka Nigeria; iyo Emmanuel Adebayor, weeraryahankii hore ee xulka Qaranka Togo.

- Advertisement -

Booqashadan ayaa salka ku haysa laba ujeeddo oo muhiim ah: in la taageero dadaallada lagu horumarinayo kubadda cagta Soomaaliya, iyo in la qiimeeyo xaaladda amniga ee dalka si loo tixgeliyo suurtagalnimada martigelinta tartamada caalamiga ah, gaar ahaan kuwa Afrika iyo Bariga Dhexe.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dahabo Suusow Maxamuud, ayaa sheegtay in booqashadan ay tahay fursad taariikhi ah oo kor u qaadi karta xiriirka ciyaaraha Soomaaliya iyo FIFA, islamarkaana lagu xoojin karo iskaashiga caalamiga ah ee kubadda cagta.

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa wada qabanqaabo ballaaran oo lagu soo dhoweynayo wafdiga, iyadoo munaasabaddani ay tahay tii ugu heerka sarreysay ee FIFA ay ku imaanayso Soomaaliya tan iyo 35 sano ka hor.

- Advertisement -

Booqashadan ayaa loo arkaa mid astaan u ah kalsoonida sii kordheysa ee caalamku ku qabo horumarka nabadgelyo iyo ciyaareed ee ka socda gudaha Soomaaliya.

Latest stories