HomeWararCiidamada Dowladda iyo Macawiisleyda Hiiraan oo Al-Shabaab Ka Saara Deegaanka Abooreey

Ciidamada Dowladda iyo Macawiisleyda Hiiraan oo Al-Shabaab Ka Saara Deegaanka Abooreey

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya ciidamada deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ay weerar qorsheysan ku qaadeen deegaanka Abooreey, oo hoostaga degmada Buulo-burte. Weerarka oo dhacay saaka hore ayaa lagu dilay tiro saraakiil iyo dagaalyahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, iyadoo sidoo kale lagu gubay gaadiid […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya ciidamada deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ay weerar qorsheysan ku qaadeen deegaanka Abooreey, oo hoostaga degmada Buulo-burte.

Weerarka oo dhacay saaka hore ayaa lagu dilay tiro saraakiil iyo dagaalyahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, iyadoo sidoo kale lagu gubay gaadiid dagaal oo ay kooxdaasi lahayd.

- Advertisement -

Nuur Cilmi Cariif, Guddoomiyaha deegaanka Abooreey, ayaa wareysi uu siiyay Risaala Media ku sheegay in howlgalka uu ahaa mid si gaar ah loo bartilmaameedsaday, laguna beegsaday goob ay si buuxda u deganaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

“Howlgalku wuxuu ahaa mid qorshaysan, waxaana beegsannay fariisimo muhiim ah oo ay Al-Shabaab ku lahaayeen Abooreey,” ayuu yiri guddoomiyaha.

Guddoomiyuhu wuxuu sidoo kale xusay in Al-Shabaab ay miinooyin ku aaseen wadooyinka gala deegaanka, taasoo khatar weyn ku ah shacabka iyo ciidamada. Waxa uu intaa ku daray in ciidamada ay wadaan guluf ballaaran oo lagu xoreynayo deegaanka, ayna ku rajo weyn yihiin in maalmaha soo socda Al-Shabaab laga saaro Abooreey.

- Advertisement -

Deegaanka Abooreey ayaa weli ka mid ah meelaha ay ku sugan yihiin maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, hase yeeshee ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa si joogto ah u wadda howlgallo lagu ciribtirayo kooxdaas.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts