HomeWararRa’iisul Wasaare Xamsa oo Qatar kala hadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Qorshaha...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Qatar kala hadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Qorshaha Isbeddelka Qaranka

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qatar ee Soomaaliya, Dr. Abdullah Bin Salem Al Nuaimi, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Qatar. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii dowladda Qatar ay gacan uga geysan lahayd horumarinta amniga, […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qatar ee Soomaaliya, Dr. Abdullah Bin Salem Al Nuaimi, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Qatar.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii dowladda Qatar ay gacan uga geysan lahayd horumarinta amniga, dhaqaalaha, iyo hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee NTP 2025–2029.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyay dowladda Qatar doorkeeda muuqda ee ku aaddan taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan horumarinta adeegyada aasaasiga ah sida waxbarashada, caafimaadka iyo dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha.

Danjire Dr. Al Nuaimi ayaa dhankiisa xaqiijiyay in Qatar ay sii wadi doonto garab istaagga ay u fidiso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in iskaashiga labada dal uu yahay mid sal adag ku fadhiya.

Latest stories