HomeWararGolaha Shacabka oo bilaabay ka doodista heshiiska dhismaha Urur Goboleedka IGAD

Golaha Shacabka oo bilaabay ka doodista heshiiska dhismaha Urur Goboleedka IGAD

Date:

Related stories

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Kalfadhiga lixaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankiisa 11-aad, iyadoo uu shirguddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe). Kulanka oo uu goobjoog ka ahaa 146 xildhibaan, ayaa waxaa diiradda lagu saaray akhrinta koowaad ee heshiiskii lagu dhisay Urur Goboleedka Horumarinta IGAD. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga […]

- Advertisement -

Kalfadhiga lixaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankiisa 11-aad, iyadoo uu shirguddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Kulanka oo uu goobjoog ka ahaa 146 xildhibaan, ayaa waxaa diiradda lagu saaray akhrinta koowaad ee heshiiskii lagu dhisay Urur Goboleedka Horumarinta IGAD. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cali Balcad, ayaa xildhibaanada u akhriyay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan heshiiskaas.

- Advertisement -

Intii uu socday kulanka, xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa su’aalo la xiriira qodobada heshiiska iyo muhiimadda ka mid noqoshada Soomaaliya ee IGAD u diray mas’uuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda, kuwaas oo si toos ah uga jawaabay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe, ayaa ugu dambeyn faray Guddiga Arrimaha Dibadda in ay soo diyaariyaan akhrinta labaad ee heshiiska, si markale loo horkeeno Golaha Shacabka loogana doodo.

Latest stories