HomeWararDowladda Soomaaliya iyo Hay’adda IMF oo ka shiraya horumarinta dhaqaalaha dalka

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda IMF oo ka shiraya horumarinta dhaqaalaha dalka

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Magaalada Nairobi waxaa maanta si rasmi ah uga furmay shir muhiim ah oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF), kaas oo diiradda lagu saarayo dib-u-habeynta dhaqaalaha dalka iyo xoojinta maalgelinta ilaha wax soo saarka Soomaaliya. Shirka oo socon doona muddo afar maalmood ah, waxaa hoggaaminaya Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan […]

- Advertisement -

Magaalada Nairobi waxaa maanta si rasmi ah uga furmay shir muhiim ah oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF), kaas oo diiradda lagu saarayo dib-u-habeynta dhaqaalaha dalka iyo xoojinta maalgelinta ilaha wax soo saarka Soomaaliya.

Shirka oo socon doona muddo afar maalmood ah, waxaa hoggaaminaya Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige, waxaana qeyb ka ah wakiillo ka kala socda xafiisyada Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradaha Maaliyadda, Qorsheynta, Batroolka, Bangiga Dhexe, Hay’adda Warbixinada Maaliyadda, Hay’adda Istaatistikada Qaranka iyo Xafiiska Xisaabiyaha Guud.

- Advertisement -

Inta lagu guda jiro shirka, waxaa si qoto dheer looga doodi doonaa waxqabadka Dowladda tan iyo markii laga cafiyay deymihii caalamiga ahaa, iyo sidoo kale qorshayaasha cusub ee lagu horumarinayo dhaqaalaha dalka, gaar ahaan dhinacyada la xiriira mashaariicda horumarineed iyo kobcinta dakhliga gudaha.

Wasiir Biixi oo furitaanka shirka ka hadlay ayaa carabka ku adkeeyay dadaalka joogtada ah ee Dowladda ee ku aaddan casriyeynta nidaamka maaliyadeed iyo xoojinta ilaha dakhliga, isaga oo sheegay in Soomaaliya ay ku socoto wadadii saxda ahayd ee horumar maaliyadeed lagu gaari karo.

Shirkan ayaa lagu wadaa in uu dhamaado 15-ka bishan May, waxaana la filayaa in laga soo saaro qodobo muhiim u ah kobaca iyo xasilloonida dhaqaalaha Soomaaliya.

Latest stories