HomeWararBulshada Soomaaliddu ma ku baraarugsan tahay muhiimmada fiitamiinnada?

Bulshada Soomaaliddu ma ku baraarugsan tahay muhiimmada fiitamiinnada?

Date:

Related stories

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Dadka Soomaaliyeed badankood ma isticmalan fiitamiinnada  sabab la xariira  in aysan helin wacyi gelin ku filan oo ku saabsan  muhiimada fiitamiinnada. Intooda badan ma oga heerka fiitamiinnada jirkooda ka maqan, taas oo u  keeni karta dhibaatooyin caafimaad. aar ka mid ah dadka ku nool magaaladda Muqdisho  ayaan weyddiinnay in ay isticmaalaan kiniinada fiitamiinnada. Cumar said […]

- Advertisement -

Dadka Soomaaliyeed badankood ma isticmalan fiitamiinnada  sabab la xariira  in aysan helin wacyi gelin ku filan oo ku saabsan  muhiimada fiitamiinnada. Intooda badan ma oga heerka fiitamiinnada jirkooda ka maqan, taas oo u  keeni karta dhibaatooyin caafimaad.

aar ka mid ah dadka ku nool magaaladda Muqdisho  ayaan weyddiinnay in ay isticmaalaan kiniinada fiitamiinnada.

- Advertisement -

Cumar said oo ka mid ah dhallinyarta ku nool magaaladda Muqdisho ayaa dhahay;

“ Wax fiitamiinnad ah ma qaato, sababto ah wax walbo waxa laga raadiyaa ganacsi. Welina la ima soo qorin in aan u baahnahay fiitamiinno.”

Ka mid ah arday caaafimaadka barata oo Bilan Media la hadahsya ayaa iyana dhahday;

- Advertisement -

“Horta  mar wan qata marna ma qaato, dabcan fiitamiinniska sababto ah haddaan Soomaali nahay badanka manaqaaano faa’iidooyinka kooda haddan ogaan lahayn faa’iidooyinka  fiitamiinnisku leeyihiin waan qaadalahayn. Waxa aan ahay qof caafimaadka barata waanan ku baraarugsanahay muhiimada ay leedahay in la qaato fiitamiinnada.”

Abdiqaadir  Xaaji oo da’ ahaan jira 70 sanno ayaa dhahay waxa aan jiifay ku dhawaad afar sanno, sababa la xiriira fiitamiin la’aan.  “ Waan xanuunsaday  afar sanno ayan sariir jiifay lugaha ayaan ka ka socon waayey, isbitaalka ayaa la ii geeyay waxana la isoo qoray daawada fiitamiin D ga la dhaho. Markii aan qaatay waan ku caafiimaaday oo hadda dib ayaan cagahayga ugu socda.”

kale waxa aan wax ka wayddiinay muhiimada ay leedahay in qofku ogaado ama qaato fiitamiinnada  Dr.Nuura Muumin.

“Fiitamiinska iyo mineraalisku  waa wax yabahaa uu jiirkeennu   sameeyo si dabiici ahaana  jiirka  ugu jiira, xad ayay leeyhiin qofka waa ay ku badnan karaan  ama  waa ku yaran karaan mar walba oo uu  qofka ku bataan ama  ku yaradaan   caqabad  ayaa ay caafiimaadkeenna ku leeyhiin  in kasta oo badana ay  uu badan tahay  in ay jiirkeenna  ku yar yihiin madama qofka Soomaaliga ah   aannu cunayn cunno isku dheelitiran.”

Waxa ay intaas sii raacisay; “Qofka marka jiirkiisa  fiitamiinska ku yar-yahay wuxuun keenni  kara caqbado  fara badaan, sida in uu dareemo  daal faara badaan, ,madax xanuun joogto ah, lafo  xanuun ,murqo xanuun,  hurdada  oo ku yaraata,   iyo  wel-wel badan.”

Bulshadeennu  kuma baraarugsana inu qofka dhaho xaaladan ayan dareemaya fiitamiinnada  ayaa ku yar ama ka  maqan isma oranayaan oo badan ma amiinsaana in yar oo wax baratay maahane.” ayaa ay tiiri Nuura muumin

 

Fathi Hassan, Bilan Media 

Latest stories