HomeWararPuntland oo Beesha Caalamka Ka Dalbatay Ka Qaybgal Barnaamijyada Xasilinta Soomaaliya

Puntland oo Beesha Caalamka Ka Dalbatay Ka Qaybgal Barnaamijyada Xasilinta Soomaaliya

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Goboleedka Puntland ayaa baaq degdeg ah u dirtay Beesha Caalamka, iyada oo ka codsatay in Puntland si buuxda looga qaybgeliyo barnaamijyada xasilinta Soomaaliya ee ay maalgelinayaan hay’adaha caalamiga ah ee daneeya nabadda iyo xasilloonida dalka. Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu xusay in Puntland […]

- Advertisement -

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Goboleedka Puntland ayaa baaq degdeg ah u dirtay Beesha Caalamka, iyada oo ka codsatay in Puntland si buuxda looga qaybgeliyo barnaamijyada xasilinta Soomaaliya ee ay maalgelinayaan hay’adaha caalamiga ah ee daneeya nabadda iyo xasilloonida dalka.

Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu xusay in Puntland ay wali ka maqan tahay barnaamijyadan muhiimka ah, xilli ay baahi ballaaran ka jirto deegaannada ay dhawaan ka xoreeyeen kooxaha argagixisada sida ISIS ee Calmiskaad, iyo deegaannada Calmadow oo qorshuhu yahay in laga saaro  Al-Shabaab.

- Advertisement -

“Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta  Puntland waxay si dhab ah ugu baaqaysaa Beesha Caalamka, hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ee ka shaqeeya arrimaha nabadda iyo xasilinta Soomaaliya, in Puntland laga qaybgeliyo barnaamijyada xasilinta ee hadda ka socda dalka inteeda kale,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda.

Maamulka Puntland ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in taageero dhameystiran la siiyo deegaannada laga xoreeyay argagixisada, si loo sugo nabadda, dib-u-dhis loogu sameeyo kaabeyaasha nolosha, isla markaana loo xaqiijiyo dib-u-heshiisiin iyo maamul-wanaag waara.

Latest stories