HomeWararXisbiga Cusub oo Lagu Dhawaaqayo Muqdisho iyo Lafta Gareen oo Saluugsan

Xisbiga Cusub oo Lagu Dhawaaqayo Muqdisho iyo Lafta Gareen oo Saluugsan

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Waxaa maanta lagu wadaa in si rasmi ah loogu dhawaaqo xisbiga cusub ee Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP), kaasoo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Xisbigan cusub ayaa lagu beddeli doonaa xisbigii hore ee UPD, oo uu horey u hogaaminayey madaxweynaha. Wasiirka Dekedaha, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jamaac), ayaa qoraal uu ku daabacay baraha bulshada […]

- Advertisement -

Waxaa maanta lagu wadaa in si rasmi ah loogu dhawaaqo xisbiga cusub ee Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP), kaasoo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Xisbigan cusub ayaa lagu beddeli doonaa xisbigii hore ee UPD, oo uu horey u hogaaminayey madaxweynaha.

Wasiirka Dekedaha, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jamaac), ayaa qoraal uu ku daabacay baraha bulshada ku sheegay in Soomaaliya yeelaneyso “xisbi weyn oo Soomaaliyeed” oo la sheegay inuu ka duwan yahay kuwii hore. Wasiirku wuxuu carabka ku dhuftay in JSP uu noqon doono xisbi dhab u fulin doona ballanqaadyada, isagoo meesha ka saaray nidaamkii doorashooyinka dadban, oo uu ku tilmaamay mid la soo afjaray.

“Dalka wuxuu yeelanaayaa xisbi weyn oo ay Soomaali dhan tahay. Ma aha kaftan sida kuwii hore ee shacabka loo sheegay haddana beenoobay. Waa taariikh cusub. Xisbigii talada hayey wuxuu ballan qaaday run sheeg iyo fulin toona,” ayuu yiri Wasiirka.

- Advertisement -

Xisbiga ayaa durba taageero ka helaya mas’uuliyiin sare oo ay ka mid yihiin:

  • Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre

  • Madaxweyneyaasha dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, iyo Koonfur Galbeed

    - Advertisement -
  • Guddoomiyaha Gobolka Banaadir

  • Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, Saalax Axmed Jaamac

  • Iyo siyaasiyiin kale oo miisaan leh

Si kastaba ha ahaatee, dhismaha xisbiga ayaa durba wajahay cabashooyin la xiriira qaabka awood qeybsiga, gaar ahaan tabashada uu muujiyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta Gareen, oo la rumeysan yahay inuusan weli si buuxda u taageerin qaabka hannaanka loo wado. Warar hoose ayaa sheegaya in haddii la garan waayo tabashadiisa, uu u laaban karo Baydhabo isaga oo ka fogaada dhismaha xisbiga.

Guddiga qaban-qaabada ayaa horey u diray casuumaad rasmi ah oo loo qaybiyay wakiillo ka socda dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada, bulshada rayidka ah, iyo daneeyayaasha siyaasadeed.

Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa noqonaya wejigii labaad ee siyaasadda Madaxweyne Xasan Sheekh tan iyo markii uu xilka la wareegay 2022. Inkasta oo uu xisbiga leeyahay culays siyaasadeed oo muuqda, haddana khilaafaadka gudaha iyo cabashooyinka madaxda goboleedyada ayaa wiiqi kara isku dayga lagu mideynayo quwadda siyaasadeed ee cusub.

Latest stories