HomeWararXisbiga Cusub oo Lagu Dhawaaqayo Muqdisho iyo Lafta Gareen oo Saluugsan

Xisbiga Cusub oo Lagu Dhawaaqayo Muqdisho iyo Lafta Gareen oo Saluugsan

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Waxaa maanta lagu wadaa in si rasmi ah loogu dhawaaqo xisbiga cusub ee Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP), kaasoo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Xisbigan cusub ayaa lagu beddeli doonaa xisbigii hore ee UPD, oo uu horey u hogaaminayey madaxweynaha. Wasiirka Dekedaha, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jamaac), ayaa qoraal uu ku daabacay baraha bulshada […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Waxaa maanta lagu wadaa in si rasmi ah loogu dhawaaqo xisbiga cusub ee Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP), kaasoo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Xisbigan cusub ayaa lagu beddeli doonaa xisbigii hore ee UPD, oo uu horey u hogaaminayey madaxweynaha.

Wasiirka Dekedaha, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jamaac), ayaa qoraal uu ku daabacay baraha bulshada ku sheegay in Soomaaliya yeelaneyso “xisbi weyn oo Soomaaliyeed” oo la sheegay inuu ka duwan yahay kuwii hore. Wasiirku wuxuu carabka ku dhuftay in JSP uu noqon doono xisbi dhab u fulin doona ballanqaadyada, isagoo meesha ka saaray nidaamkii doorashooyinka dadban, oo uu ku tilmaamay mid la soo afjaray.

“Dalka wuxuu yeelanaayaa xisbi weyn oo ay Soomaali dhan tahay. Ma aha kaftan sida kuwii hore ee shacabka loo sheegay haddana beenoobay. Waa taariikh cusub. Xisbigii talada hayey wuxuu ballan qaaday run sheeg iyo fulin toona,” ayuu yiri Wasiirka.

- Advertisement -

Xisbiga ayaa durba taageero ka helaya mas’uuliyiin sare oo ay ka mid yihiin:

  • Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre

  • Madaxweyneyaasha dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, iyo Koonfur Galbeed

    - Advertisement -
  • Guddoomiyaha Gobolka Banaadir

  • Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, Saalax Axmed Jaamac

  • Iyo siyaasiyiin kale oo miisaan leh

Si kastaba ha ahaatee, dhismaha xisbiga ayaa durba wajahay cabashooyin la xiriira qaabka awood qeybsiga, gaar ahaan tabashada uu muujiyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta Gareen, oo la rumeysan yahay inuusan weli si buuxda u taageerin qaabka hannaanka loo wado. Warar hoose ayaa sheegaya in haddii la garan waayo tabashadiisa, uu u laaban karo Baydhabo isaga oo ka fogaada dhismaha xisbiga.

Guddiga qaban-qaabada ayaa horey u diray casuumaad rasmi ah oo loo qaybiyay wakiillo ka socda dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada, bulshada rayidka ah, iyo daneeyayaasha siyaasadeed.

Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa noqonaya wejigii labaad ee siyaasadda Madaxweyne Xasan Sheekh tan iyo markii uu xilka la wareegay 2022. Inkasta oo uu xisbiga leeyahay culays siyaasadeed oo muuqda, haddana khilaafaadka gudaha iyo cabashooyinka madaxda goboleedyada ayaa wiiqi kara isku dayga lagu mideynayo quwadda siyaasadeed ee cusub.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts