HomeWararSoomaaliya iyo Malaysia oo kala saxiixday Heshiisyo Is-Afgarad oo la xiriira Maamulka...

Soomaaliya iyo Malaysia oo kala saxiixday Heshiisyo Is-Afgarad oo la xiriira Maamulka Dhijitaalka iyo Amniga Internetka

Date:

Related stories

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

CYBERJAYA, MALAYSIA — Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ee Soomaaliya ayaa laba Heshiis Is-Afgarad (MOU) oo gaar ah la saxiixatay Hay’adda Isgaarsiinta iyo Warbaahinta Malaysia (MCMC) iyo Hay’adda Amniga Internetka ee Malaysia (CyberSecurity Malaysia). Heshiisyadan ayaa xoojinaaya iskaashi dhinacyo badan leh oo ku saabsan maamulka dhijitaalka, wadashaqeynta farsamo iyo kobcinta amniga internetka. Heshiiska ugu horreeya oo […]

- Advertisement -

CYBERJAYA, MALAYSIA — Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ee Soomaaliya ayaa laba Heshiis Is-Afgarad (MOU) oo gaar ah la saxiixatay Hay’adda Isgaarsiinta iyo Warbaahinta Malaysia (MCMC) iyo Hay’adda Amniga Internetka ee Malaysia (CyberSecurity Malaysia).

Heshiisyadan ayaa xoojinaaya iskaashi dhinacyo badan leh oo ku saabsan maamulka dhijitaalka, wadashaqeynta farsamo iyo kobcinta amniga internetka.

- Advertisement -

Heshiiska ugu horreeya oo lala saxiixday Hay’adda Isgaarsiinta iyo Warbaahinta Malaysia ayaa diiradda saaraya iskaashi ku wajahan arrimo la xiriira: Xeernidaamiyeyaasha iyo qaab-dhismeedka farsamada ee 5G, isweydaarsiga siyaasadaha maamulka isgaarsiinta, iyo barnaamijyo tababaro gaaban iyo khibrad is-dhaafsi oo lagu xoojinayo awoodda hay’adaha; Heshiiskan ayaa waxa uu saldhig u noqonayaa iskaashi ballaaran oo ku aaddan la wadaagga waayo-aragnimada maamulka isgaarsiinta iyo horumarinta dhaqaalaha dhijitaalka ah.

Heshiiska labaad oo lala saxiixday Hay’adda Amniga Internet ka Malaysia (CyberSecurity Malaysia) ayaa lagu qeexay iskaashi wadajir ah oo lagu wajahayo caqabadaha guud ee dhinaca amniga internetka, gaar ahaan qodobo la xiriira ka hortagga iyo ka jawaabista weerarrada internetka, isdhaafsiga xogta khatarta ah iyo isbeddellada amniga Teknoolojiyadda, iskaashi ku saabsan diblomaasiyadda internetka, iyo in Dalkeena uu qeyb ka noqdo barnaamijka caalamiga ah ee tababarada ee Global ACE.

Guddoomiyaha Hay’adda Isgaarsiinta iyo Warbaahinta Malaysia, YBhg. Tan Sri Maxamed Salim bin Faatix Din, ayaa muujiyey muhiimadda ay leedahay iskaashiga caalamiga ah ee dhanka horumarinta xeernidaamiyeyaasha, isagoo ku tilmaamay heshiiskan inuu yahay madal lagu dardargelin karo isweydaarsiga aqoonta iyo iskaashiga farsamo.

- Advertisement -

Dhanka kale, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, ayaa sheegay in heshiiskan uu ku soo beegmay xilli muhiim ah isla markaana uu door weyn ka ciyaari doono kobcinta xirfadaha howlwadeennada Hay’adda iyo dardargelinta isbeddelka dhijitaalka ee dalka.

Sidoo kale, intii ay socotay munaasabadda saxiixa heshiiska la galay Hay’adda Amniga Internet ka Malaysia, Madaxa Fulinta ee hay’adda, Dato’ Ts. Dr. Haji Amirudiin Bin Cabdul Wahab, ayaa ku tilmaamay iskaashigan fursad muhiim u ah in la xoojiyo adkeysiga wadajirka ah ee ka dhanka ah khataraha cusub ee internet ka. Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh ayaa uga mahadceliyay doorkooda aqooneed iyo diyaar garowgooda wadashaqeyn, isagoo xusay in iskaashiga noocan ahi uu udub dhexaad u yahay dhisidda awoodda amniga internetka ee Soomaaliya.

Heshiisyada waxaa u kala saxiixday Maareeyaha Guud ee HIQ, Mudane Mustafa Yaasin Sheikh, iyo YBhg. Tan Sri Maxamed Saalim bin Faatix Diin, Guddoomiyaha Hay’adda Isgaarsiinta iyo Warbaahinta Malaysia. Halka Dato’ Ts. Dr. Xaaji Amiirudiin Bin Cabdul Wahaab, Madaxa Fulinta ee Hay’adda Amniga Internet ka Malaysia, uu saxiixay heshiiska dhinaca amniga internetka.

Iskaashiyadan cusub waxay ka tarjumayaan sida ay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka uga go’an tahay in la xoojiyo horumarka teknoolojiyadda dalka, iyada oo kaashaneysa iskaashi caalami ah iyo hirgelinta hab-raacyada heerarka ugu sarreeya ee caalamka.

liban
libanhttps://www.radiodalsan.com/
Liban Ali Gesey is an Editor at Dalsan Media Group with over three years of experience in journalism, digital media, photography, videography, and content production. Since joining the organization in June 2024, he has overseen the editing and publication of website content, specializing in politics and investigative journalism with a strong commitment to accurate, balanced, and impactful reporting on Somalia and the Horn of Africa. Beyond journalism, Liban is the founder of Inkfluence Copywriting, where he helps businesses and organizations grow through copywriting, brand storytelling, and digital marketing. He previously worked as a Digital News Editor and Website Content Producer and holds a Diploma in Broadcast Journalism from the Kenya Institute of Professional Studies (KIPS). Fluent in Somali, English, and Swahili, he combines editorial excellence with creative communication to deliver trusted and engaging content.

Latest stories