HomeWararGuddoomiyaha SoDMA oo Kenya Ka Daah-furay Mashruuc Wacyigelineed oo $40 Milyan Ah

Guddoomiyaha SoDMA oo Kenya Ka Daah-furay Mashruuc Wacyigelineed oo $40 Milyan Ah

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Gudoomiyaha Hay’adda Maareeynta Masiibooyinka ( SoDMA )Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa magaalada Naivasha ee Dalka Kenya si rasmi ah uga daah-furay Mashruuc ay ku kacayso lacag qiyaastii kor u dhaafaysa 40,000000 afartan milyan oo doolar. Mashruuca (WISER Action First – Eastern Africa) oo wadamada bariga Afrika looga taageeri doono sidii sare loogu qaadi lahaa awooda […]

- Advertisement -

Gudoomiyaha Hay’adda Maareeynta Masiibooyinka ( SoDMA )Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa magaalada Naivasha ee Dalka Kenya si rasmi ah uga daah-furay Mashruuc ay ku kacayso lacag qiyaastii kor u dhaafaysa 40,000000 afartan milyan oo doolar.

Mashruuca (WISER Action First – Eastern Africa) oo wadamada bariga Afrika looga taageeri doono sidii sare loogu qaadi lahaa awooda u adkeeysiga aafooyinka ee bulshada kuwa ugu nugul ee gobolka bariga Africa oo ay Soomaaliyana qeeyb ka tahay, iyadoo ay mashruucan fulin doonaan Hay’addaha Maareeynta Musiibooyinka iyo kuwa Saadaasha Cimilada u qaabilsan wadamada bariga Afrika. Mashruucan wuxuu socon doonaa muddo afar sano ah, waxaana maalgelinaya dowladda UK hay’addeeda u qaabilsan Horumarinta ee FCDO.

- Advertisement -

Gudoomiyaha oo Munaasabadda Daah-furka mashruuca hadal ka soo jeediyay ayaa sheegay in uu mashruucu ku soo aadayay wakhtigii aadka loogu baahnaa, wuxuuna iftiimiyay faa’iidada mashruucan u leedahay dhameeystirka firaaqa ka jira hanaanka bixiya digniinaha halis-wadareedka dalalka gobolka gaar ahaan dalkeena Soomaaliya.

Sidoo kale, Gudoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa gaba-gabadii munaasabadda wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in mashruucan laga faa’iideeysto, wuxuuna kula dardaarmay dhammaan bah-wadaagta mashruuca fulinaysa in ay si hufan oo daahfurnaan leh u gutaan waajibaadkooda si bulshadu si siman ugu faa’iidaysato.

Ugu dambeyntii Gudoomiye Maxamud Macalin ayaa wuxuu shir doceed la yeeshay madaxdii mataleeysay hay’adda “FCDO” oo ah deeq bixiyaha mashruuca, gudoomiyuhu wuxuu uga Mahad celiyay taageetada ay had iyo jeer la garabtaaganyihiin wadamada gobolka gaar ahaan dalkeena Soomaalya.

Latest stories