HomeWararMadaxweyne Guudlaawe: “Xaadoole Waa Nin Ku Haminayo Inuu Dhigto Isbaaro”

Madaxweyne Guudlaawe: “Xaadoole Waa Nin Ku Haminayo Inuu Dhigto Isbaaro”

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweynaha Dowlad goboleeddka Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa si rasmi ah u furay kal-fadhiga 17-aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle, oo lagu qabtay magaalada Jowhar. Fadhiga Baarlamaanka ayaa waxaa kasoo qeyb galay xubno muhiim ah, waxaana furitaankiisa soo dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka, Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed. Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay kal-fadhiga, […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Dowlad goboleeddka Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa si rasmi ah u furay kal-fadhiga 17-aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle, oo lagu qabtay magaalada Jowhar. Fadhiga Baarlamaanka ayaa waxaa kasoo qeyb galay xubno muhiim ah, waxaana furitaankiisa soo dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka, Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay kal-fadhiga, isagoo ka hadlay arrimo siyaasadeed iyo amni.

“Siyaasad xasiloon ayaad ku shaqeyseen, Guddoonka iyo Xildhibaanada Hirshabeelle waxay kaalin weyn ka qaateen howlgalka dabar-goynta Khawaarijta,”ayuu yiri Cali Guudlaawe, isagoo tilmaamaya guulaha ay ka gaareen dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

- Advertisement -

Intii uu socday fadhiga, Madaxweyne Guudlaawe ayaa sidoo kale si adag ugu jawaabay Xildhibaan Xaadoole, oo dhawaan eedeyn u jeediyay madaxweynaha. “Nin ku haminayo inuu isbaaro dhigto oo aan Xaadoole aheyn ma jiro,” ayuu madaxweynuhu yiri. “Maalinta lagu doortay ilaa iyo hadda waxaa taagan tahay degmooyinka Balcad iyo Warsheekh inta u dhexeysa, Xildhibaan Xaadoole ka fogow wixii horey laguugu yaqaanay.”

Hadallada madaxweynaha ayaa si weyn u soo jiitay dareenka xildhibaanada iyo dadweynaha, iyadoo uu muuqdo xiisad siyaasadeed oo ka dhex jirta Dowladda Hirshabeelle iyo xubno kamid ah Baarlamaanka Federaalka.

Latest stories