HomeWararMadaxweyne Guudlaawe: “Xaadoole Waa Nin Ku Haminayo Inuu Dhigto Isbaaro”

Madaxweyne Guudlaawe: “Xaadoole Waa Nin Ku Haminayo Inuu Dhigto Isbaaro”

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Madaxweynaha Dowlad goboleeddka Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa si rasmi ah u furay kal-fadhiga 17-aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle, oo lagu qabtay magaalada Jowhar. Fadhiga Baarlamaanka ayaa waxaa kasoo qeyb galay xubno muhiim ah, waxaana furitaankiisa soo dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka, Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed. Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay kal-fadhiga, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Dowlad goboleeddka Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa si rasmi ah u furay kal-fadhiga 17-aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle, oo lagu qabtay magaalada Jowhar. Fadhiga Baarlamaanka ayaa waxaa kasoo qeyb galay xubno muhiim ah, waxaana furitaankiisa soo dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka, Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay kal-fadhiga, isagoo ka hadlay arrimo siyaasadeed iyo amni.

“Siyaasad xasiloon ayaad ku shaqeyseen, Guddoonka iyo Xildhibaanada Hirshabeelle waxay kaalin weyn ka qaateen howlgalka dabar-goynta Khawaarijta,”ayuu yiri Cali Guudlaawe, isagoo tilmaamaya guulaha ay ka gaareen dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

- Advertisement -

Intii uu socday fadhiga, Madaxweyne Guudlaawe ayaa sidoo kale si adag ugu jawaabay Xildhibaan Xaadoole, oo dhawaan eedeyn u jeediyay madaxweynaha. “Nin ku haminayo inuu isbaaro dhigto oo aan Xaadoole aheyn ma jiro,” ayuu madaxweynuhu yiri. “Maalinta lagu doortay ilaa iyo hadda waxaa taagan tahay degmooyinka Balcad iyo Warsheekh inta u dhexeysa, Xildhibaan Xaadoole ka fogow wixii horey laguugu yaqaanay.”

Hadallada madaxweynaha ayaa si weyn u soo jiitay dareenka xildhibaanada iyo dadweynaha, iyadoo uu muuqdo xiisad siyaasadeed oo ka dhex jirta Dowladda Hirshabeelle iyo xubno kamid ah Baarlamaanka Federaalka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts