HomeWararGuddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya oo Kulan la Qaatey Guddoomiyaha Baarlamaanka Algeria

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya oo Kulan la Qaatey Guddoomiyaha Baarlamaanka Algeria

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

 Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Algeria, Ibrahim Boughali, oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Baarlamaanada Carabta. Kulan ka dhacay caasimadda Algeria, Algiers, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada baarlamaan iyo wada-shaqeynta labada dal. Guddoomiyaha Baarlamaanka Algeria, Ibrahim […]

- Advertisement -

 Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Algeria, Ibrahim Boughali, oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Baarlamaanada Carabta. Kulan ka dhacay caasimadda Algeria, Algiers, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada baarlamaan iyo wada-shaqeynta labada dal.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Algeria, Ibrahim Boughali, ayaa si diiran u soo dhaweeyay Guddoomiye Aadan Madoobe iyo wafdigiisa, isagoo uga mahadceliyay ka qeyb-galkooda shirweynaha Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Carabta. Boughali ayaa sidoo kale muujiyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo xiriirka shaqo ee ka dhaxeeya baarlamaanadda Soomaaliya iyo Algeria, isagoo ku adkeeyay in Soomaaliya ay kaalin weyn ka ciyaareyso xasiloonida iyo horumarka guud ee dalalka Carabta.

- Advertisement -

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Sheekh Aadan Madoobe, ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Algeria martigelinta wanaagsan ee shirweynaha Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Carabta, isaga oo sheegay in soo dhoweynta ay muujineyso heerka sare ee xiriirka labada dal. gudoomiye Madoobe ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka labada baarlamaan, isaga oo tilmaamay in ay muhiim tahay in labada baarlamaan ay isku dhaafsadaan waayo-aragnimada iyo aqoonta si loo hormariyo shaqada baarlamaanka iyo maamulka guud ee labada dal.

Guddoomiyaha ayaa amaanay doorka muhiimka ah ee dowladda Algeria ee arrimaha Carabta, isagoo muujiyay in xiriirka labada dowladood, gaar ahaan labada baarlamaan, uu kaalin muhiim ah ka qaadan doono is-dhaafsiga waayo-aragnimada iyo kor u qaadista iskaashiga ka dhaxeeya dalalka Carabta.

Latest stories