HomeCaalamkaDiyaarad Maraykanka lahaa oo burburtay & Baaritaanka socda  

Diyaarad Maraykanka lahaa oo burburtay & Baaritaanka socda  

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Diyaaradaasi oo nooceedu ahaa F-16 ayaa waxay ku burburtay Badda Jaallaha (Yellow Sea) ee Xeebaha Galbeed ee dalka Kuuryada Koonfureed. Wakaallada Wararka South Korea ee Yonhap ayaa sheegtay inay Diyaarada burburtay abaarihii 08:41 daqiiqo ee saakayto ee xilliga dalkaasi, halka Duuliyihii la soo helay abaarihii 09:30 daqiiqo, kadib, Hawlgal Gurmad ay si wadajir ah u […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Diyaaradaasi oo nooceedu ahaa F-16 ayaa waxay ku burburtay Badda Jaallaha (Yellow Sea) ee Xeebaha Galbeed ee dalka Kuuryada Koonfureed.

Wakaallada Wararka South Korea ee Yonhap ayaa sheegtay inay Diyaarada burburtay abaarihii 08:41 daqiiqo ee saakayto ee xilliga dalkaasi, halka Duuliyihii la soo helay abaarihii 09:30 daqiiqo, kadib, Hawlgal Gurmad ay si wadajir ah u sameeyeen Saraakiil ka kala socday Maraykanka iyo Kuuryada Koonfureed.

- Advertisement -

Dhanka kale, Duuliyaha waxaa la sheegay inay xaalladiisa degan tahay, waxaana socda Baaritaanka waxa sababay Shilkaasi.

Waa Diyaaradii 3-aad ee F16 ee Milliteriga Maraykanka leeyihiin ee ku burburta dalka Kuuryada Koonfureed muddo hal sano ah.

Bilihii May iyo December ee sanadkii hore, waxaa la diiwaan geliyey inay 2 Diyaaradaha Dagaalka ee F-16 ku burbureen dalkaasi oo ay Kumanaan Askar Maraykan ah ku leeyihiin Saldhigyo Milliteri.

- Advertisement -

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts