HomeCaalamkaTirada dadka Muhaajiriinta ee dhintay sanadkaan 2023 oo la shaaciyay

Tirada dadka Muhaajiriinta ee dhintay sanadkaan 2023 oo la shaaciyay

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

In ka badan 2,500 oo muhaajiriin ah ayaa dhintay ama la waayey ayaga oo isku dayaya inay badda Meditareeniyaanka uga gudbaan Yurub illaa hadda sanadkan 2023, waxaa sidaas Khamiistii sheegtay hay’adda qaxootiga QM ee UNHCR. “Illaa September 24, waxaa la tiriyey in in ka badan 2,500 ay dhinteen ama la la’yahay 2023 kaliya,” waxaa sidaas […]

- Advertisement -
- Advertisement -

In ka badan 2,500 oo muhaajiriin ah ayaa dhintay ama la waayey ayaga oo isku dayaya inay badda Meditareeniyaanka uga gudbaan Yurub illaa hadda sanadkan 2023, waxaa sidaas Khamiistii sheegtay hay’adda qaxootiga QM ee UNHCR.

“Illaa September 24, waxaa la tiriyey in in ka badan 2,500 ay dhinteen ama la la’yahay 2023 kaliya,” waxaa sidaas Golaha Ammaanka u sheegtay Ruven Menikdiwela, agaasimaha xafiiska UNHCR ee New York.

- Advertisement -

Tiradan ayaa dhigan koror weyn oo ku yimid tiradii 1,680 ee dhintay ama la waayey muddadan oo kale ee sannadkii 2022.

Socdaalka dhulka ee waddamada ka hooseeya Saxaraha Afrika, halkaas oo qaar badan oo ka mid ah muhaajiriinta ay ka soo jeedaan, illaa xeebaha laga baxo ee Tunisia iyo Libya “ayaa weli ah mid ka mid ah kuwa ugu khatarta badan caalamka,” ayey tiri Menikdiwela.

Guud ahaan, illaa 186,000 oo qof ayaa badda kasoo galay Koonfurta Yurub, Janaayo ilaa Sebtembar 24, kuwaas oo ka degay dalalka Italy, Greece, Spain, Qubrus iyo Malta.

- Advertisement -

Badankood, oo ah 130,000 oo qof, ayaa yimid Talyaaniga, taasi oo ka dhigan koror 83 boqolkiiba ah marka la barbar dhigo isla muddadan oo kale ee 2022.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts