HomeCaalamkaRuushka oo Ukraine ku eedeeyay in ay isku dayday khaarijinta Putin

Ruushka oo Ukraine ku eedeeyay in ay isku dayday khaarijinta Putin

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Ruushka ayaa sheegay in ay soo rideen laba diyaaradood oo ah nooca aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo xalay bartilmaameedsaday aqalka Kremlin-ka ee magaalada Moscow, waxayna ku eedeeyeen Ukraine inay isku dayday inay disho madaxweynaha Rushka Vladimir Putin. Kremlin-ka ayaa sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn lagusoo riday adeegyo gaar ah oo isticmaalaya nidamka raadaarka elektaroonigga […]

- Advertisement -

Ruushka ayaa sheegay in ay soo rideen laba diyaaradood oo ah nooca aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo xalay bartilmaameedsaday aqalka Kremlin-ka ee magaalada Moscow, waxayna ku eedeeyeen Ukraine inay isku dayday inay disho madaxweynaha Rushka Vladimir Putin.

Kremlin-ka ayaa sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn lagusoo riday adeegyo gaar ah oo isticmaalaya nidamka raadaarka elektaroonigga ah. Mr Putin ayaa xilligaas joogin xarunta Kremlin-ka, afhayeenkiisa Dmitry Peskov ayaa sidaas u sheegay wakaaladda wararka ee dowladda, isagoo intaa ku daray in aysan jirin wax burbur ah oo soo gaaray dhismayaasha.

- Advertisement -

Ukraine ayaa sheegtay in aysan wax faallo ah ka bixin. Muuqaalo aan la xaqiijin oo la soo dhigay baraha bulshada ee Ruushka ayaa muujinaya qiiq ka dul dhacay bartamaha Moscow saacadihii hore ee Arbacada. Bayaan uu soo saaray Kremlin-ku ayaa lagu yiri: “Xalay, taliska Kyiv wuxuu isku dayay inuu weerar la beegsado guriga Kremlin-ka ee uu degan yahay Madaxweynaha Federaalka Ruushka iyaga oo adeegsanaya diyaarado aan duuliye lahayn.”

Waxa uu sheegay in ay arrintan u aro “fal argagixiso oo la qorsheeyay iyo isku day dil oo lagu beegsanayey madaxweynaha”, Ruushkuna waxa uu “xaq u leeyahay in uu qaado tillaabooyin aargoosi ah meel kasta iyo mar kasta oo loo arko in loo baahan yahay”.

Latest stories