HomeCaalamkaYurub oo mamnuucday iibsiga naaftada Ruushka iyo badeecado kale

Yurub oo mamnuucday iibsiga naaftada Ruushka iyo badeecado kale

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Yurub ayaa Axaddii mamnuucday naaftada laga keeno Ruushka iyo weliba badeecadaha kale ee la xidhiidha shidaalka la sifeeyo. Midawga Yurub ayaa hoos u dhigaya ku tiirsanaanta tamarta ka timaadda Ruushka, taas bedelkeedana ay qorshaynayaan inay curyaamiyaan dakhliga uu Ruushku ka helo shidaalka, si loogu ciqaabo duullaanka uu ku qaaday dalka Ukraine. Mamnuuciddan ayaa la socota […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Yurub ayaa Axaddii mamnuucday naaftada laga keeno Ruushka iyo weliba badeecadaha kale ee la xidhiidha shidaalka la sifeeyo. Midawga Yurub ayaa hoos u dhigaya ku tiirsanaanta tamarta ka timaadda Ruushka, taas bedelkeedana ay qorshaynayaan inay curyaamiyaan dakhliga uu Ruushku ka helo shidaalka, si loogu ciqaabo duullaanka uu ku qaaday dalka Ukraine.

Mamnuuciddan ayaa la socota heshiis qiimo dhimis ah oo ay isla gaadheen, Isbahaysiga toddobada dal ee dimoqraadiga ah. Ujeedada guud ayaa ah, in weli loo sii ogolaado in naaftada Ruushku inay ku sii qulqusho suuqyada dalalka ay ka midka yihiin Shiinaha iyo India, iyo in laga hortago in sare u kac degdeg ahi uu ku yimaaddo qiimaha naaftada, taas oo dhaawac weyn u geysan karta macaamiisha dunida oo dhan, halka taas bedelkeeda tallaabo laga qaadayo macaashka uu Ruushku ka helo naaftadan ee uu ku maalgeliyo miisaaniyaddiisa iyo dagaalka uu ka wado Ukraine.

- Advertisement -

Naaftada ayaa fure u ah dhaqaalaha, sababtoo ah, waxaa loo isticmaalaa gaadiidka kala duwan, sida gawaadhida xamuulka ah ee alaabooyinka daabula, qalabka beeraha iyo mishiinada waaweyn ee wershedaha waxsoosaarka. Qiimaha naaftada ayaa sare u kacay, tan iyo wixii ka dambeeyey markii laga baxay, xilligii faafista ee xanuunka COVID19, kaasoo yareeyey awoodda sifaynta ee shidaalka, waxaana tallaabadani ay dunida geyaysiisay sicir-barar ku yimaadda alaabooyinka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts