HomeCaalamkaDowladdaha Ruushka iyo Ukraine oo mar kale is-dhaafsaday Maxaabiis Dagaal

Dowladdaha Ruushka iyo Ukraine oo mar kale is-dhaafsaday Maxaabiis Dagaal

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Qeyb kale oo Maxaabiis ayey Ruushka iyo  Ukraine isweydaarsadeen sabtidii shalay oo lagu soo beegay bilashada sanadka cusub ee 2023-ka tirsiga Taariikhda Miilaadiyada. Qoraal uu Andriy Yermak oo ah Madaxa Xafiiska Madaxweynaha Ukraine Andriy dhigay Barta Telegram ayuu ku sheegay inay Ruushka soo daayeen 140 Maxaabiis reer Ukraine ah, kuwaasi oo dib ugu soo qabtay […]

- Advertisement -

Qeyb kale oo Maxaabiis ayey Ruushka iyo  Ukraine isweydaarsadeen sabtidii shalay oo lagu soo beegay bilashada sanadka cusub ee 2023-ka tirsiga Taariikhda Miilaadiyada.

Qoraal uu Andriy Yermak oo ah Madaxa Xafiiska Madaxweynaha Ukraine Andriy dhigay Barta Telegram ayuu ku sheegay inay Ruushka soo daayeen 140 Maxaabiis reer Ukraine ah, kuwaasi oo dib ugu soo qabtay dalkooda.

- Advertisement -

Maxaabiistaasi ayaa waxay kala ahaayeen 132 rag  iyo 8 haween, kuwaasi oo ku dhaawacmay, lana qabtay xilligii ay difaacayeen magaalada Mariupol iyo Jesiirada Zmiyiny island.

Dhanka kale, Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa waxay shaacisay in la soo daayey 82 Askar Ruushiyaan ah, kuwaasi oo Maxaabiis u ahaa Ukraine.

Hadal-qoraal oo ay Wasaaradda Difaaca Ruushka  soo saartay ayaa lagu sheegay in wada-xaajood laga galay Maxaabiista la isweydaarsaday oo lagu soo beegay sanadka cusub ee 2023-ka.

- Advertisement -

Isweydaarsiga Maxaabista labada dhinac waa kii 3-aad ee bishan oo keliya la sii daayey, , iyadoo bishan 6-dii  la sii daayey 60 askar Ukraine ah, halka bishan 6-dii iyagana la sii daayey 50 Askar Ruushiyaan ah.

Latest stories