HomeCaalamkaUkraine oo farriin u dirtay dalalka Galbeedka xilli Ciidamada Ruushka ay sii...

Ukraine oo farriin u dirtay dalalka Galbeedka xilli Ciidamada Ruushka ay sii siqayaan

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Madaxaweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa dalalka Galbeedka ugu baaqay inaysan abuurin walaac xilli ay ciidamada Ruushku ku sii siqayaan xudduudaha dalkiisa. Dhanka kale Mareykanka ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ee ku siqaya xadka Ukraine ay tahay arrintii ugu weynays ee dhacda kaddib dagaalkii qaboobaa, isla markaana ay xasarad abuuri doonto haddii uu dagaal dhaco. Ruushka […]

- Advertisement -

Madaxaweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa dalalka Galbeedka ugu baaqay inaysan abuurin walaac xilli ay ciidamada Ruushku ku sii siqayaan xudduudaha dalkiisa.

Dhanka kale Mareykanka ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ee ku siqaya xadka Ukraine ay tahay arrintii ugu weynays ee dhacda kaddib dagaalkii qaboobaa, isla markaana ay xasarad abuuri doonto haddii uu dagaal dhaco.

- Advertisement -

Ruushka ayaa beeniyay inuu qorsheynayo inuu duulaan ku qaado Ukraine, wuxuuna sheegay in taageerada Mareykanka ee Ukraine ay khatar tahay.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sidoo kale ku eedeeyay reer galbeedka inay iska indhatireen walaaca dhanka ammaanka ee Ruushka.

Balse waxa uu sheegay in uu daraasad ku samayn doono jawaabta Maraykanka ka hor inta aanu go’aansan waxa uu samaynayo. Maraykanka ayaa heegan galiyay 8,500 askar ah oo gobolkaasi ku sugan, taas waxaa barbar yaala ciidamada NATO laftooda oo iyaguna abaabulan.

- Advertisement -

Ruushka ayaa Maraykanka ku eedeeyay in ay hub badan geeyeen Ukrain. Maraykanka ayaa dhanka kale u digey dalka Belarus oo saaxiib la ah Ruushka, waa haddii ay caawiyaan Ruushka in ay la kulmi doonaan jawaab adag.

Latest stories