HomeCaalamkaEedeysane dili lahaa Madaxweyne Qaran oo la sheegay inuu geeriyooday

Eedeysane dili lahaa Madaxweyne Qaran oo la sheegay inuu geeriyooday

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Qoraal ka soo baxay Dowladda Maali ayaa lagu sheegay inuu geeriyooday Ninkii isku dayey inuu Madaxweyne Assimi Goyta Tooreey ku dhaawaco Masjid ku yaalla Caasimadda dalkaasi ee Bamako. Bayaanka waxaa lagu sheegay inuu Eedeysanaha ku dhintay Isbitaal, xilli ay Hay’addaha Ammaanka baaritaano ku hayeen. “Muddadii lagu hayey Baaritaanada ayuu u geeriyooday Caafimaadkiisa oo ka sii […]

- Advertisement -

Qoraal ka soo baxay Dowladda Maali ayaa lagu sheegay inuu geeriyooday Ninkii isku dayey inuu Madaxweyne Assimi Goyta Tooreey ku dhaawaco Masjid ku yaalla Caasimadda dalkaasi ee Bamako.

Bayaanka waxaa lagu sheegay inuu Eedeysanaha ku dhintay Isbitaal, xilli ay Hay’addaha Ammaanka baaritaano ku hayeen.

- Advertisement -

“Muddadii lagu hayey Baaritaanada ayuu u geeriyooday Caafimaadkiisa oo ka sii daray” ayaa lagu yiri Qoraalka ka soo baxay Dowladda Maali oo sheegtay inay socdaan Baaritaanka waxa sababay geeridiisa.

Lama shaacanin magaca Eedeysanaha iyo xogta ku gedaaman qaabkii uu u geeriyooday.

Talaadadii la soo dhaafay, ayuu Eedeysanahaasi waxa uu Tooreey ku weeraray Madaxweynha Mali, oo isaga xilligaasi Salaadda Ciidul-Adxa ku tukunayey Masjidka Jaamaca ee ku yaalla Caasimadda dalkaasi ee Bamako.

- Advertisement -

Madaxweyne Assimi Goyta waa uu ka badbaaday Weerarkaasi, kadib, markii ay Ciiddankiisa Khaaska ka hor tageen Eedeysanaha oo gacanta Midig ku watay Tooreey.

Latest stories