HomeCaalamkaMasar oo Xukun dil ah ku fulisay Macallim Dugsi Qur’aan oo 80-jir...

Masar oo Xukun dil ah ku fulisay Macallim Dugsi Qur’aan oo 80-jir ah

Date:

Related stories

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

17 Maxbuus oo uu ku jiray Macallim Dugsi Qur’aan oo 80 jir ah ayaa waxaa Isniintii la soo dhaafay ee bishan April 26-dii lagu dhex dilay Xabsiga Waadi Al-Natrun ee dalkaasi. Marxuumintaasi ayaa lagu soo oogay inay ku lug lahaayeen Weerar bishii November 19-dii ee sanadkii 2013-kii lagu dilay 13 Askari oo ku sugnaa Saldhig […]

- Advertisement -
- Advertisement -

17 Maxbuus oo uu ku jiray Macallim Dugsi Qur’aan oo 80 jir ah ayaa waxaa Isniintii la soo dhaafay ee bishan April 26-dii lagu dhex dilay Xabsiga Waadi Al-Natrun ee dalkaasi.

Marxuumintaasi ayaa lagu soo oogay inay ku lug lahaayeen Weerar bishii November 19-dii ee sanadkii 2013-kii lagu dilay 13 Askari oo ku sugnaa Saldhig Bolis oo ku yalla Degmadda Kerdasa ee duleedka magaalladda Giza.

- Advertisement -

Macallinka Dugsi Qur’aanka ee lagu fuliyey xukunka dilka waxaa lagu mgacaabi jirey Sheekh C/Xamiid Jibriil kaasi oo aan wax lug ah ku lahayn weerarkaasi.

Waxay ciiddanka ka soo qabteen isagoo ku dhex jira Masjidka, wax yar kadib, markii uu dhacay weerarkaasi oo loogu magac daray Weerarkii Kerdasa (معركة كرداسة).

Waxa uu beeniyey inuu ku lug lahaa weerarkaasi, mana uusan ahayn qof ku dhex jiray Siyaasadda ama Mucaarad ku ahaa Dowladda.

- Advertisement -

Dhinca kale, 16-ka kale ee iyagana lagu fuliyey xukunka dilka waxaa lagu kala magacaabi jirey:

1-  Waliid Saciid Abu Cumayra,

2-  Maxamed Rizaak Abul Sowd,

3-  Ashraf Sayid Rizak,

4-  Axmed Aweys Xuseen,

5-  Cisam C/Moety

6-  Axmed C/Nebi,

7-  Beder  C/Nebi,

8- Qutub Sayid Qutub,

9- Cumar Maxamed El-Sayed,

10- Cisat Al-Attar,

11-  Cali Al-Sayid Kenaawi,

12-  C/llaahi Saciid,

13-  Maxamed Yuusuf Al-Sayidi,

14-  Axmed C/Salaam,

15-  Carafaat  C/Ladiif,

16-  Mustafa El-Sayed El-Kerfesh.

Si kastaba ha ahaatee, Qoysaska Marxuumininta la dilay bishan April 26-dii ayaan lagu wargelinin xukunka lagu fuliyey, waxayna dad badan la fajaceen dilkaasi.

Ustaad Nuradin

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts