HomeWararQaramada Midoobay oo War kale kasoo saartay Duufaantii Puntland

Qaramada Midoobay oo War kale kasoo saartay Duufaantii Puntland

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Qaramada Midoobay ayaa mar kale hadashay duufaantii iyo roobabkii maalin kahor ka da’ay deegaano ka tirsan Maamulka Puntland, kuwaasi oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac iyo burbur hantiyadeed. Qoraal kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu sheegay in tirada dadkii ku barakacay duufaantii ku dhufatay Gobolada Gardafuu iyo karkaar ee Puntland ay kordheen, iyagoona  gaaray […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Qaramada Midoobay ayaa mar kale hadashay duufaantii iyo roobabkii maalin kahor ka da’ay deegaano ka tirsan Maamulka Puntland, kuwaasi oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac iyo burbur hantiyadeed.

Qoraal kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu sheegay in tirada dadkii ku barakacay duufaantii ku dhufatay Gobolada Gardafuu iyo karkaar ee Puntland ay kordheen, iyagoona  gaaray 42,000 oo qof, kuwaasi oo ay heysato xiligaan xaalad adeg.

- Advertisement -

Sidoo kale Qaramada Midoobay ayaa tilmaamtay in 3,500 guri oo ay deganaayeen dad u badan xoolo dhaqato ay duufaanta burburisay, isla markaana duufaanta ay aheyd mid ku socotay xawaare aad u sarreeya.

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in si deg deg ah Gargaar loo gaarsiiyo dadka xaalada Bani’aadannimo ay ku heysto deegaano ka tirsan Puntland, kuwaasi oo ay  saameeyeen duufaanta iyo roobabkii da’ay labadii maalin ee lasoo dhaafay.

9 qof oo yemeniyiin ah ayaa ku geeriyooday duufaantii ku dhufatay degmada xaafuun, halka 4 qof kalena ay ku dhaawacmeen, iyadoona weli la baadi goobayo kalluumeysto isugu jirtay Soomaali iyo Ajaanib oo badda ku jiray xiligaas.

- Advertisement -

Waxaa weli go’an Isgaarsiintii Gobolada Gardafuu iyo karkaar ee Puntland, kadib markii dabeysha ay burburisay antooyinkii Shirkaddaha Isgaarsiinta ee halkaas ka shaqeynayay, waxaana aad u adeg in xog dheeraad ah laga helo deegaanada.

Maamulka Puntland ayaa sheegay inay wadaan dadaalo kala duwan oo loogu gurmanayo dadkii ay saameeyeen duufaanta iyo roobabkii xooganaa ee da’ay, waxaana sidoo kalena xaalad adeg ay heysaa qoysas kunool Magaalada Boosaaso.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts