HomeWararRW Rooble oo shaaciyay inuu Musharaxiinta kala hadli doono Arrin taagan

RW Rooble oo shaaciyay inuu Musharaxiinta kala hadli doono Arrin taagan

Date:

Related stories

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay walaaca Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya ay ka qabaan guddiyada Doorashooyinka heer Federaal iyo mid maamul Goboleed ee la magacaabay. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa uu sheegay inuu diyaar u yahay inuu la fariisto Musharaxiinta xilka Madaxweynaha ee walaaca ka qaba Guddiyada Doorashada, isla markaana […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay walaaca Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya ay ka qabaan guddiyada Doorashooyinka heer Federaal iyo mid maamul Goboleed ee la magacaabay.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa uu sheegay inuu diyaar u yahay inuu la fariisto Musharaxiinta xilka Madaxweynaha ee walaaca ka qaba Guddiyada Doorashada, isla markaana uu faham siin doono wax ay yihiin xubnaha la magacaabay.

- Advertisement -

Isaga oo ka hadlaayay Munaasabad ka dhacday Baydhabo Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa uu tilmaamay in Musharaxiinta uu la tashi kala sameeyn doono Arrimo ku aadan Guddiyada, si loo xaliyo khilaafyada ka dhashay arrintaas oo meel sare gaaray.

Sidoo kale Maxamed Rooble ayaa Carabka ku dhuftay in muhiim ay tahay in la fuliyo heshiiskii Madaxda dowladda federaalka, dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir ka gaareen doorashada dalka ka dhaceysa dhammaadka sanadkaanm 2020/21.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Madaxda Koofur galbeed iyo shacabkooda uga mahadceliyay sida ay u maamuuseen isaga iyo wafdigiisa muddadi ay joogeen Magaalada Baydhabo.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories