HomeWararLafta-gareen oo ka hadlay walaaca laga qabo Guddiyada Doorashooyinka

Lafta-gareen oo ka hadlay walaaca laga qabo Guddiyada Doorashooyinka

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Madaxweynaha dolwad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa ka hadlay khilaafka ka taagan Guddiyada Doorashooyinka heer federaal iyo mid maamul Goboleed ee dhawaan la magacaabay. Madaxweyne Lafta-gareen ayaa waxaa uu sheegay in Maamulkiisa uu Guddiyada doorashooyinka horey ka magacaabay, kadib markii Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada ay heshiis ka gaareen doorashada […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dolwad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa ka hadlay khilaafka ka taagan Guddiyada Doorashooyinka heer federaal iyo mid maamul Goboleed ee dhawaan la magacaabay.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa waxaa uu sheegay in Maamulkiisa uu Guddiyada doorashooyinka horey ka magacaabay, kadib markii Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada ay heshiis ka gaareen doorashada dalka ee 2020/2021.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay Lafta-gareen in Guddiyada doorashooyinka ee uu magacaabay uu ku daray dad siweyn looga yaqaano Koonfur Galbeed oo ka tirsaneyn shaqaalaha maamulkiisa, isla markaana aysan wax shaqo ah ku laheyn arrimo siyaasadeed.

Cabdicaiis Lafta-gareen ayaa Madaxda maamul Goboleedyada kale ee aan weli soo gudbin Guddiyada doorashooyinka ugu baaqay inay soo gudbiyaan, si loo fuliyo heshiiskii laga gaaray doorashada oo dib u dhac uusan ku imaan doorashada.

Isaga oo sii hadlaayay Madaxweeynaha ayuu sheegay in musharaxiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha looga baadan yahay inay kalsooni muujiyaan, una diyaar garooban doorashada, wxuuuna caddeyay in dadka diidan guddiyada doorashooyinka aysan aheyn inay xumaan oo kaliya ka eegaan.

- Advertisement -

“Dadka shiraya ee diiddan Guddiyada maaha inay xumaan ka eegaan waxa wanaagsan ee aan samaynayno dib ha u fiiriyaan waxay hore usoo sameeyeen, waxaan leeyahay ha u xiisina wixii xumaa ee aad hore u soo sameyseen” ayuu yiri Lafta-gareen.

Dhinaca kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo u jawaabayay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa yiri “Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxaan leeyahay anagoon 4.5 eegin ayaan dhex idiin noqonaynaa”.

Si kastaba hadalka Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa kusoo aadaya, iyadoo Guddiyada Doorashooyinka ee la magacaabay ay Musharaxiinta xilka Madaxweynaha siweyn uga soo horjeesteen, iyagoona ku tilmaamay inay ku xiraan xubno ka tirsan NISA iyo shaqaalaha dowladda Federaalka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories