HomeWararRa’iisul Wasaare ku-xigeenka oo fariin u diray bahda Waxbarashada Dalka

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo fariin u diray bahda Waxbarashada Dalka

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo ka qeyb galay munaasabadda Mahadnaqa Qorayaasha iyo Aaladeynta Manhajka Qaranka ayaa tilmaamay in sadexdii sano iyo barkii la soo dhaafay ay dowladda dadaal xooggan gelisay qorshaha qaran ee ku qotoma waxbarasha tayo leh oo ay helaan ubadka Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa bahda […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo ka qeyb galay munaasabadda Mahadnaqa Qorayaasha iyo Aaladeynta Manhajka Qaranka ayaa tilmaamay in sadexdii sano iyo barkii la soo dhaafay ay dowladda dadaal xooggan gelisay qorshaha qaran ee ku qotoma waxbarasha tayo leh oo ay helaan ubadka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa bahda Wax-barashada ku ammaanay dadaalka ay ku bixiyeen ka mira-dhalinta hiigsiga dowladda ee ku aaddan soo nooleynta waxbarasho ka tarjumaysa dhaqanka iyo baahiyaha aqooneed ee ummadda Soomaaliyeed.

- Advertisement -

“Maanta waxaa guul weyn ah in aan leenahay Manhajka Qaranka oo tayadiisu sarreyso ayna ka soo shaqeeyeen khubara Soomaaliyeed, dowladda waxa ka go’an hirgelinta qorshaha qaran ee ku aaddan horumarinta waxbarashada Dalka, waxaana caddeyn u ah kordhinta miisaaniyadda wax-barashada dalka  oo sanadkii 2017-kii ahayd 1.6% haatan aan gaarsiinnay 8%, iyadoo qorshaha 2021 uu yahay in aan sii kordhino miisaaniyadaas oo ay gaarto 11%”.

Mahdi ayaa dhiirrigeliyay horumarrada laga gaaray dhinaca waxbarashada ee kororka gaar ahaan tirada dusgiyada, Ardeyda iyo Macalimiinta oo isbedel weyn laga sameeyay, taas oo ay dheertahay in la dhammeystiray qorshihii lagu hirgalin lahaa dugsiyo lagu barto Cilmiyada Badda, Xannaanada Xoolaha iyo Beeraha.

Dhankiisa, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Saree ee Dalka Cabdullaahi Abuukar Xaaji ayaa sheegay in Wasaaraddiisa ay ka go’an tahay horumarinta Waxbarashada dalka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories