HomeWararMaamulka Gobolka Sool oo ka hadlay Dil ka dhacay Magaalada Laasaanood

Maamulka Gobolka Sool oo ka hadlay Dil ka dhacay Magaalada Laasaanood

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Iyadoo Rag Bastoolado  ku hubeysan ay xaafad ka tirsan Magaalada Laascaanood ku dileen  Mas’uul ka tirsanaa Maamulka degmada Laascaanood ayaa waxaa ka hadlay Maamulka Gobolka Sool. Marxuumka la toogtay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Salaad Wadaadyare, wuxuuna ka tirsnaa Garsoorka Maxkamada Magaalada Laascaanood, waxaana goobta ka baxsaday ragii ka dambeeyay falkaas. Hoos ka aqriso […]

- Advertisement -

Iyadoo Rag Bastoolado  ku hubeysan ay xaafad ka tirsan Magaalada Laascaanood ku dileen  Mas’uul ka tirsanaa Maamulka degmada Laascaanood ayaa waxaa ka hadlay Maamulka Gobolka Sool.

Marxuumka la toogtay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Salaad Wadaadyare, wuxuuna ka tirsnaa Garsoorka Maxkamada Magaalada Laascaanood, waxaana goobta ka baxsaday ragii ka dambeeyay falkaas.

- Advertisement -

Hoos ka aqriso Qoraalka uu soo saaray Maamulka Gobolka Sool

Alle ha u naxariisto Abdilahi sallad abokor oo ahaa Garsoore maxkamada gobolka oo Xalay lagu dilay magaallada Laascaanood. Waxaan geeridiisa uga tacsiyadaynnayaa qoyskiisa, qaraabadiisa, asxaabtiisa, bulshada gobolka Sool iyo guud ahaan Bahda Garsoor ee Jamhuuriyadda Somaliland waxaana leeyahay dhammaanteen samir iyo iimaan Allaah inaga siiyo.

Geeridu waa xaq, waxaase dhammaanteen shacab iyo maamulba inagu waajiba inaan iska kaashano gacan adag-na iskaga qabano cid kastoo lid ku ah ammaankeenna iyo horumarkeenna. Laamaha nabad gelyada ee xilli kasta u taagan sugidda nabad gelyada, xilligana ku hawlan baadhitaannada iyo daba-galka falkan fulaynnimada ah ayaan shacabka ku booriniayaa inay garab istagaan oo ay la shaqeyaan.

- Advertisement -

Cabdiqani Maxamuud Jiidhe
Guddoomiyaha gobolka Sool

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories