HomeWararGuddiga KMG ah ee uu magacaabay Guddoomiye Mursal oo kulan yeeshay

Guddiga KMG ah ee uu magacaabay Guddoomiye Mursal oo kulan yeeshay

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Guddiga KMG ah ee uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan u magacaabay diyaarinta Warbixin ku saabsan saameynta uu dalka ku yeeshay Cudurka halista ah ee COVID-19 ayaa kulan ku yeeshay Xarunta Villa Hargeysa. Ajenaha kulanka ay yeesheen Guddigaas oo ka kooban 9-xubnood ayaa waxaa uu ahaa qorshe howleedka loo xilsaaray Guddiga ee ah […]

- Advertisement -

Guddiga KMG ah ee uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan u magacaabay diyaarinta Warbixin ku saabsan saameynta uu dalka ku yeeshay Cudurka halista ah ee COVID-19 ayaa kulan ku yeeshay Xarunta Villa Hargeysa.

Ajenaha kulanka ay yeesheen Guddigaas oo ka kooban 9-xubnood ayaa waxaa uu ahaa qorshe howleedka loo xilsaaray Guddiga ee ah COVID-19 iyo u yeeridda Hay’addaha Caafimaadka ee ugu sarreeya dalka Soomaaliya.

- Advertisement -

Magacaabista  Guddiga ayaa ku timid, kadib markii Guddoomiye Mursal uu dhageystay Warbixintii saameynta  Cudurka halista ah ee COVID-19 ay Golaha kahor jeediyeen Guddigii sugida Cuntada iyo Nafaqada.

Guddigaan  ayaa loo xilsaaray diyaarinta warbixin dhameystiran oo ku aadan Natiijada kasoo baxda xog uruurin ku aadan saameynta uu dalka ku yeeshay Cudurka, isla markaana Guddigaas hor keeni doonaan Golaha Shacabka Warbixin.

Cudurka COVID-19 ayaa saameyn dhaqaale farabadan ku yeeshay dalka Soomaaliya, xili uu dalka si darran ugu faafay xanuunka, isla markaana sababay in dalka laga xiro cirka iyo dhulka , cabsi laga qabay Cudurka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories