HomeWararDowladda oo ka hadashay geeridii ku timid R/Wasaarihii hore ee Somalia

Dowladda oo ka hadashay geeridii ku timid R/Wasaarihii hore ee Somalia

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa ka hadlay geerida ku timid Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Carte Qaalib. Mahdi Guuleed oo qoraal soo saaray ayaa tacsi u diray Qoyska, qaraabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuum Cumar Carte oo muddooyinkii dambe ku xanuusanayay Magaalada Hargeysa. Sidoo […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa ka hadlay geerida ku timid Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Carte Qaalib.

Mahdi Guuleed oo qoraal soo saaray ayaa tacsi u diray Qoyska, qaraabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuum Cumar Carte oo muddooyinkii dambe ku xanuusanayay Magaalada Hargeysa.

- Advertisement -

Sidoo kale Mahdi Guuleed oo Marxuum Cumar Carte ku tilmaamay inuu ahaa Oday guurti ah oo door muuqda kaga jira sooyaalka dalka Soomaaliya, isla markaana uu tacab badan geliyay dalka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Guuleed ayaa sheegay in Cumar Carte Qaalib uu ka qayb qaatay dib u heshiisiinta dadka si waddaniyad iyo daacadnimo leh.

“Waxaan tacsi u dirayaa Qoyska, qaraabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allahu naxariistee marxuum Cumar Carte Qaalib. Wuxu ahaa Oday guurti ah oo door muuqda kaga jira sooyaalka dalkeenna. Wuxu soo noqday Ra’iisalwasaare sidoo kale Wasiirkii arrimaha dibadda. Marxuumku tacab badan ayuu gashaday dalkiisa, wuxuuna ka qayb qaatay dib u heshiisiinta dadka, si waddaniyad iyo daacadnimo leh ayuuna shacabka Soomaaliyeed ugu soo shaqeeyay. Waxaan alle uga baryayaa inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo” ayuu yiri Mahdi Guuleed.

- Advertisement -

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayuu Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Carte Qaalib ku xanuunsanayay Isbitaal ku yaalla Hargeysa, isagoo xanuunkii haayay uu goordhaweyd u geeriyooday.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories