HomeWararMadaxweyne ku-xigeenka Puntland oo la kulmay wafdi ka socday Dowladda

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo la kulmay wafdi ka socday Dowladda

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Ku-simaha Madaxweynaha Puntland, Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada ee Dowladda Federaalka ah Duraan Axmed Faarax iyo Wefti uu hoggaaminayo. Axmed Karaash ayaa Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha kala hadlay ujeedka safarkii ay ku tageen Magaalada Garoowe, wuxuuna u sheegay in Wasaaradda Shaqada […]

- Advertisement -

Ku-simaha Madaxweynaha Puntland, Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada ee Dowladda Federaalka ah Duraan Axmed Faarax iyo Wefti uu hoggaaminayo.

Axmed Karaash ayaa Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha kala hadlay ujeedka safarkii ay ku tageen Magaalada Garoowe, wuxuuna u sheegay in Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha ay go’antahay in la daadajiyo adeegyada muhiimka u ah bulshada.

- Advertisement -

Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Puntland Marwo Hodan Saciid iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Maxamed Cabdirashiid.

Socdaalka shaqo uu Wasiir Duraan Axmed Faarax u tegay Garoowe ayaa waxaa uu ku sheegay inuu qaadanayo muddo ku dhow toddobaad, wuxuuna Wasiirka kormeeri doonaa deegaanno ka tirsan Puntland, gaar ahaanna deegaannada ay ka socdaan barnaamijyada ay Wasaaraddu ku taageerayso bulshada nugul.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Duraan Axmed Faarax ayaa  caddeeyay in dhowaan la guda gali doono taageerro dhaqaale oo la siinayo qoysaska uu saameynta ku yeeshay Ayaxa.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories