HomeWararMadaxweyne ku-xigeenka Puntland oo la kulmay wafdi ka socday Dowladda

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo la kulmay wafdi ka socday Dowladda

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Ku-simaha Madaxweynaha Puntland, Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada ee Dowladda Federaalka ah Duraan Axmed Faarax iyo Wefti uu hoggaaminayo. Axmed Karaash ayaa Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha kala hadlay ujeedka safarkii ay ku tageen Magaalada Garoowe, wuxuuna u sheegay in Wasaaradda Shaqada […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ku-simaha Madaxweynaha Puntland, Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada ee Dowladda Federaalka ah Duraan Axmed Faarax iyo Wefti uu hoggaaminayo.

Axmed Karaash ayaa Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha kala hadlay ujeedka safarkii ay ku tageen Magaalada Garoowe, wuxuuna u sheegay in Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha ay go’antahay in la daadajiyo adeegyada muhiimka u ah bulshada.

- Advertisement -

Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Puntland Marwo Hodan Saciid iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Maxamed Cabdirashiid.

Socdaalka shaqo uu Wasiir Duraan Axmed Faarax u tegay Garoowe ayaa waxaa uu ku sheegay inuu qaadanayo muddo ku dhow toddobaad, wuxuuna Wasiirka kormeeri doonaa deegaanno ka tirsan Puntland, gaar ahaanna deegaannada ay ka socdaan barnaamijyada ay Wasaaraddu ku taageerayso bulshada nugul.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Duraan Axmed Faarax ayaa  caddeeyay in dhowaan la guda gali doono taageerro dhaqaale oo la siinayo qoysaska uu saameynta ku yeeshay Ayaxa.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts