HomeWararAkhriso:-Khasaaro ka dhashay Qaraxii Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho

Akhriso:-Khasaaro ka dhashay Qaraxii Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Is-miidaamin ah oo duhurnimadii Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaasi oo jugtiisa inta badan laga maqlay xaafaddo dhowr ah oo ka tirsan Gobolkaan Banaadir. Qaraxaas oo ahaa Is-miidaamin ayaa waxaa fuliyay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa, wuxuuna sigaar ah uga dhacay maqaaxi ku taalla agagaarka Dugsiga tababarka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Is-miidaamin ah oo duhurnimadii Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaasi oo jugtiisa inta badan laga maqlay xaafaddo dhowr ah oo ka tirsan Gobolkaan Banaadir.

Qaraxaas oo ahaa Is-miidaamin ayaa waxaa fuliyay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa, wuxuuna sigaar ah uga dhacay maqaaxi ku taalla agagaarka Dugsiga tababarka Jeneraal kaahiye ee degmada Xamar-jajab ee Gobolka.

- Advertisement -

Dad goobjoogayaal oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in qaraxaas uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad isugu jiray shacab iyo Askar ka tirsan Ciidanka dowladda oo xiligaas ku sugnaa maqaaxida la qarxiyay.

Dhinaca kale Afhayeenka Ciidanka Booliska dowladda Sadiiq Aadan Cali (Doodishe) oo warbaahinta kula hadlay goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay inay geeriyoodeen 6 qof oo isugu jira shacab iyo Askar, halka ay ku dhaawacmeen 8 qof kale.

Dadkii dhaawacmay ayaa waxaa goobta looga daabulay gaadiidka gurmadka deg dega ah, isla markaana waxaa la geeyay Xarumo Caafimaad oo ku yaalla Magaalada Muqdisho, si xaaladooda Caafimaad loogu dabiibo.

- Advertisement -

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa baaritaano kala duwan ka sameeyay halka uu qaraxu ka dhacay, iyagoona inta uu socday baaritaanka xiray gebi ahaan waddooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa aaga oo dhan ah.

Sawirro laga qaaday goobta lagu faafiyay faafiyay baraha Bulshada ayaa muujiyay burbur xoogan uu soo gaaray maqaaxida oo aheyd goob shaaha laga cabo, isla markaana waxaa dulka daad-san kuraastii ay ku fadhiyeen dadkii la qarxiyay.

Weli ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada qaraxaas Maanta ka dhacay degmada Xamar-jajab ee Gobolka Banaadir, hayeeshee qaraxyada noocaan oo kale ah ayaa looga bartay inay sheegtaan dagaalamayaasha Al-shabaab.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts