HomeWararGobolka Soomaalida oo lacag iyo xoolo nool ku taageeray Ciidanka Itoobiya ee...

Gobolka Soomaalida oo lacag iyo xoolo nool ku taageeray Ciidanka Itoobiya ee la-dagaalamaya TPLF

Date:

Related stories

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Blanche Oo Baabi’iyay Sanduuqii $1.8 Bilyan

Agaasimaha Hawlaha ee Wasaaradda Caddaaladda Todd Blanche ayaa si rasmi ah u baabi'iyay sanduuqa $1.8 bilyan,

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar Cagjar ayaa Maanta shir guddoomiyay kulan looga hadlaayay dagaalka ka socda waqooyiga dalkaas ee u dhexeeya Ciidanka Milateriga Itoobiya iyo kuwa Gobolka Tigree-ga. Kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga dooday taageerada dagaalka Ciidanka dowladda Federaaalka Itoobiya kula jiraan Ismaamulka Tigree-ga, kaasi oo geystay khasaaro badan oo isugu […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar Cagjar ayaa Maanta shir guddoomiyay kulan looga hadlaayay dagaalka ka socda waqooyiga dalkaas ee u dhexeeya Ciidanka Milateriga Itoobiya iyo kuwa Gobolka Tigree-ga.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga dooday taageerada dagaalka Ciidanka dowladda Federaaalka Itoobiya kula jiraan Ismaamulka Tigree-ga, kaasi oo geystay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

- Advertisement -

Madaxweynaha DDS Mustafe Cagjar oo kulankan ka hadlay ayaa sheegay in amniga deegaanka uu wanaagsan yahay, isla markaana loo baahan yahay in la sii xoojiyo, waxa uuna xusay in Bulshada looga baahan yahay in ciidamada amniga la shaqeeyaan si looga hortago wax kasta amniga wax u dhimi kara.

Dowladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa 10 Milyan oo Birr iyo 2,000 oo neef ku taageertay ciidamada Itoobiya ee dagaalka kula jira Hoggaanka TPLF, iyagoona sheegay inay garab taagan yihiin Ciidanka Milateriga.

Ciidanka Milateriga dowladda Itoobiya ayaa kuwa Tigree-ga ka qabsaday magaalooyin dhowr ah, waxaana dagaalka u dhexeeya labada dhinac uu galay todobadkii labaad oo xiriir ah, iyadoona uu jiro khasaaro lixaad leh oo ka dhashay dagaalkaas.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories