HomeWararSomaliland oo si adeg uga hadashay gafkii Macron ee Nebi Muxamed NNKH

Somaliland oo si adeg uga hadashay gafkii Macron ee Nebi Muxamed NNKH

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Maamulka Somaliland ayaa si kulul uga hadlay hadalkii kasoo yeeray Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ee uu ugu gafay Diinta Islaamka, isla markaana uu taageero u muujinyay Ninkii la dilay ee Sawirka ka sameeyay Nebi Muxamed NNKH. Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Faratoon oo la hadlay Wargeyska Geedka Afrika ayaa sheegay in aad uga xun […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maamulka Somaliland ayaa si kulul uga hadlay hadalkii kasoo yeeray Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ee uu ugu gafay Diinta Islaamka, isla markaana uu taageero u muujinyay Ninkii la dilay ee Sawirka ka sameeyay Nebi Muxamed NNKH.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Faratoon oo la hadlay Wargeyska Geedka Afrika ayaa sheegay in aad uga xun yihiin Aflagaada loo geystay Rasuulka SCW, ayna marnaba ogoleyn in Nebi Muxamed wax laga sheego.

- Advertisement -

Sidoo kale Wasiir Faratoon ayaa tilmaamay in Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan waajib ay ku tahay difaaca Nebi Muxamed NNKH, Jaceylkiisa iyo in la weyneeyo Rasuulka.

“Innagu waxaynu nahay dad islaam ah, waxaanu ALLE inagu nimcaystay imaanka islaanimada, wuxuu ALLE inoo soo diray Nebi Muxamed, markaas sinaba raali uguma nihin in Nebigeena wax laga sheego, Nebiguna waa iftiinkii iyo nuurkii Adduunka, oo iyaduu casri jahili lagu jiro, ayuu ALLE Nebi Muxumed Adduunka keenay, waxaanu Nebigu ina baray waxaynu if iyo akhiraba ku liibanayno, markaas inuu jecaylkiisu qalbigeena ku waynaado oo aynu saligiisa joogteeyno ayaa la inaga rabaa, Muslimiintuna meel kasta oo ay joogaan inay Nebiga taageero iyo jacayl u muujiyaan waa waajib” ayuu yiri Wasiir Yaasiin Maxamuud Faratoon.

Dalalka Muslimka ayaa siweyn uga xumaaday Madaxweyne Emmanuel Macron oo taageeray Nin la dilay oo Sawir-gacmeed ka sameeyay Nebi Muxamed NNKH, waxaana dalal farabadan oo ay ku jirto SOomaaliya ka dhacay banaanbaxyo looga soo horjeedo hadalka Madaxweynaha Faransiiska, isagoo lagu tilmaamay sheydaan weyn.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts