HomeWararSomaliland oo si adeg uga hadashay gafkii Macron ee Nebi Muxamed NNKH

Somaliland oo si adeg uga hadashay gafkii Macron ee Nebi Muxamed NNKH

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Maamulka Somaliland ayaa si kulul uga hadlay hadalkii kasoo yeeray Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ee uu ugu gafay Diinta Islaamka, isla markaana uu taageero u muujinyay Ninkii la dilay ee Sawirka ka sameeyay Nebi Muxamed NNKH. Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Faratoon oo la hadlay Wargeyska Geedka Afrika ayaa sheegay in aad uga xun […]

- Advertisement -

Maamulka Somaliland ayaa si kulul uga hadlay hadalkii kasoo yeeray Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ee uu ugu gafay Diinta Islaamka, isla markaana uu taageero u muujinyay Ninkii la dilay ee Sawirka ka sameeyay Nebi Muxamed NNKH.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Faratoon oo la hadlay Wargeyska Geedka Afrika ayaa sheegay in aad uga xun yihiin Aflagaada loo geystay Rasuulka SCW, ayna marnaba ogoleyn in Nebi Muxamed wax laga sheego.

- Advertisement -

Sidoo kale Wasiir Faratoon ayaa tilmaamay in Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan waajib ay ku tahay difaaca Nebi Muxamed NNKH, Jaceylkiisa iyo in la weyneeyo Rasuulka.

“Innagu waxaynu nahay dad islaam ah, waxaanu ALLE inagu nimcaystay imaanka islaanimada, wuxuu ALLE inoo soo diray Nebi Muxamed, markaas sinaba raali uguma nihin in Nebigeena wax laga sheego, Nebiguna waa iftiinkii iyo nuurkii Adduunka, oo iyaduu casri jahili lagu jiro, ayuu ALLE Nebi Muxumed Adduunka keenay, waxaanu Nebigu ina baray waxaynu if iyo akhiraba ku liibanayno, markaas inuu jecaylkiisu qalbigeena ku waynaado oo aynu saligiisa joogteeyno ayaa la inaga rabaa, Muslimiintuna meel kasta oo ay joogaan inay Nebiga taageero iyo jacayl u muujiyaan waa waajib” ayuu yiri Wasiir Yaasiin Maxamuud Faratoon.

Dalalka Muslimka ayaa siweyn uga xumaaday Madaxweyne Emmanuel Macron oo taageeray Nin la dilay oo Sawir-gacmeed ka sameeyay Nebi Muxamed NNKH, waxaana dalal farabadan oo ay ku jirto SOomaaliya ka dhacay banaanbaxyo looga soo horjeedo hadalka Madaxweynaha Faransiiska, isagoo lagu tilmaamay sheydaan weyn.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories