HomeWararSheekh Shariif oo Goordhow gaaray Magaalada Jowhar

Sheekh Shariif oo Goordhow gaaray Magaalada Jowhar

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle ayaa waxaa Goordhow gaaray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo. Garoonka diyaaradaha Jowhar ayaa waxaa Sheekh Shariif iyo wafdiga la socday siweyn ugu dhaweeyay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Xildhibaano, Wasiir, Siyaasiyiin, Saraakiil iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada. Warar la helayo ayaa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle ayaa waxaa Goordhow gaaray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Garoonka diyaaradaha Jowhar ayaa waxaa Sheekh Shariif iyo wafdiga la socday siweyn ugu dhaweeyay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Xildhibaano, Wasiir, Siyaasiyiin, Saraakiil iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

- Advertisement -

Warar la helayo ayaa sheegaya in Ujeedka Sheekh Shariif uu yahay sidii loo dardar-gelin lahaa ololaha Doorashada Guddoonka Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo tan Madaxweynaha oo maalmaha soo socda la filayo inay dhacaan.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay Jowhar waxaa uu kulan uu la qaadan doonaa Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle, Xildhibaanad Cusub, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan Bulshada, isagoo kala hadli doono arrimo kala duwan.

Socdaalka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa waxaa ku soo aadayaa, iyadoo shalay si rasmi ah loo dhaariyay Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka labaad ee Maamulka Hirshabeelle, kuwaasi oo doortay Guddoon KMG ah, iyagoona kadib dooran doona Guddoonka Baarlmaanka iyo Madaxweynaha hoggaamin doona Maamulkaas.

- Advertisement -

Ammaanka guud ee Magaalada ee Caasimadda Hirshabeelle ayaa Maanta siweyn loo adkeeyay, waxaana ciidamo gaar ah lagu arkayaa wadada isku xirta Garoonka diyaaradaha Jowhar iyo Xarunta Madaxtooyadda Maamulka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts