HomeWararSheekh Shariif oo Goordhow gaaray Magaalada Jowhar

Sheekh Shariif oo Goordhow gaaray Magaalada Jowhar

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle ayaa waxaa Goordhow gaaray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo. Garoonka diyaaradaha Jowhar ayaa waxaa Sheekh Shariif iyo wafdiga la socday siweyn ugu dhaweeyay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Xildhibaano, Wasiir, Siyaasiyiin, Saraakiil iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada. Warar la helayo ayaa […]

- Advertisement -

Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle ayaa waxaa Goordhow gaaray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Garoonka diyaaradaha Jowhar ayaa waxaa Sheekh Shariif iyo wafdiga la socday siweyn ugu dhaweeyay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Xildhibaano, Wasiir, Siyaasiyiin, Saraakiil iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

- Advertisement -

Warar la helayo ayaa sheegaya in Ujeedka Sheekh Shariif uu yahay sidii loo dardar-gelin lahaa ololaha Doorashada Guddoonka Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo tan Madaxweynaha oo maalmaha soo socda la filayo inay dhacaan.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay Jowhar waxaa uu kulan uu la qaadan doonaa Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle, Xildhibaanad Cusub, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan Bulshada, isagoo kala hadli doono arrimo kala duwan.

Socdaalka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa waxaa ku soo aadayaa, iyadoo shalay si rasmi ah loo dhaariyay Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka labaad ee Maamulka Hirshabeelle, kuwaasi oo doortay Guddoon KMG ah, iyagoona kadib dooran doona Guddoonka Baarlmaanka iyo Madaxweynaha hoggaamin doona Maamulkaas.

- Advertisement -

Ammaanka guud ee Magaalada ee Caasimadda Hirshabeelle ayaa Maanta siweyn loo adkeeyay, waxaana ciidamo gaar ah lagu arkayaa wadada isku xirta Garoonka diyaaradaha Jowhar iyo Xarunta Madaxtooyadda Maamulka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories