HomeWararBeeralayda Gobol ka tirsan K/Galbeed oo cabsi xoogan soo wajahday

Beeralayda Gobol ka tirsan K/Galbeed oo cabsi xoogan soo wajahday

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Inta badan dhul beereedka Gobolka Bakool ayaa waxaa ka da’ay roobabka dayrta inkastoo meelaha qaar ay roob la’aan tahay, islamarkaana uu Ayax faro badan ku habsaday. Ayaxa oo deegaanno ka tirsan gobolka bakool lagu arkay ayaa walwal badan ay ka qabaaan beeralayda iyo xoola dhaqatada, maadaama deegaannada uu ku dagay dhibaato badan u gaystay haday […]

- Advertisement -

Inta badan dhul beereedka Gobolka Bakool ayaa waxaa ka da’ay roobabka dayrta inkastoo meelaha qaar ay roob la’aan tahay, islamarkaana uu Ayax faro badan ku habsaday.

Ayaxa oo deegaanno ka tirsan gobolka bakool lagu arkay ayaa walwal badan ay ka qabaaan beeralayda iyo xoola dhaqatada, maadaama deegaannada uu ku dagay dhibaato badan u gaystay haday noqon lahayd baabi’inta dalagga beeraha iyo dhulka daaqsimeedka.

- Advertisement -

Iskuduwaha Wasaaradda beeraha dowlad goboleedka koonfur galbeed soomaaliya ee gobolka Bakool Maxamed Axmed Macalin ayaa sheegay in deegaannada qaar uu ka da’ay roobka dayrta kaasi oo lagu diirsaday balse cabsi laga qabo Ayax faro badan oo qayb ka mid ah dhul beereedka iyo dhulka daaqsinka ah uu ku habsaday.

Dhamaadkii sanadkii tagay ee 2019 ayay ahayd markii ayax lagu arkay gobollada dalka soomaaliya oo uu gobolka Bakool ka mid yahay,waxuuna dhamaanba baabi,iyay dalagyadii xilgaas,

Si kastaba beeralayda gobolka bakool ayaa hadda ka walaacsan wax soo saarka beerahooda maadaama la filan karo in uu soo gaaro Ayax  aysan haysan wax ay isaga difaacaan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories