HomeWararCiidanka Dowladda oo Maanta la wareegay deegaano Cusub

Ciidanka Dowladda oo Maanta la wareegay deegaano Cusub

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Dagaal u dhexeeyay Ciidamada dowladda Federaalka, kuwa Itoobiya  iyo Al-shabaab oo dhinac ayaa saakay waxaa uu ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Bakool, sida ay sheegayaan wararka aan heleyno. Dagaalka ayaa waxaa uu bilowday, kadib markii Ciidanka dowladda ay weerar ku qaadeen fariisimo Al-shabaab ay ku lahaayeen inta u dhexeeysa deegaanada Kurta iyo Walaqle ee […]

- Advertisement -

Dagaal u dhexeeyay Ciidamada dowladda Federaalka, kuwa Itoobiya  iyo Al-shabaab oo dhinac ayaa saakay waxaa uu ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Bakool, sida ay sheegayaan wararka aan heleyno.

Dagaalka ayaa waxaa uu bilowday, kadib markii Ciidanka dowladda ay weerar ku qaadeen fariisimo Al-shabaab ay ku lahaayeen inta u dhexeeysa deegaanada Kurta iyo Walaqle ee hoostega degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

- Advertisement -

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac  ayaa la sheegay inuu ka dhashay dagaalkii u dhexeeyay Ciidanka dowladda, kuwa Itoobiya iyo Al-shabaab, waxaana dagaalka ka hadlay Maamulka degmada Waajid.

Guddoomiyaha Waajid Maxamed Macalin Yuusuf oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay inay weerar ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen Al-shabaab, isla markaana dad shacab ah looga qaadayay lacag iyo xoolo, waa sida hadalka uu u dhigay.

Sidoo kale Guddoomiye Maxamed Macalin ayaa sheegaya in dagaalka Khasaaro lagu gaarsiiyay Shabaabka, sidoo kalena Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ay qabsadeen hub u badan Qoryo.

- Advertisement -

Ugu dambeyn Guddoomiyaha degmada Waajid ayaa sheegay in Ciidamada ay la wareegeen deegaanada Kurta iyo Walaqle oo 45-KM u jira Waajid, isla markaana Ciidamada halkaas ay ka wadaan howlgal lagu xaqiijinayo amniga.

Al-shabaab iyo Ciidanka dowladda Federaalka ayaa dhowr jeer dagaalo geystay khasaaro kala duwan ku dhexmaray deegaano ka tirsan Bakool, waxaana dagaalkaas uu ku soo aadayaa, iyadoo shalay qarax ka dhacay degmada Qansax-dheere lagu dilay Mas’uul ka tirsan degmadaas iyo Askar Ilaalo aheyd.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories