HomeWararPuntland oo War kasoo saartay dilal ka dhacay Garoowe iyo Boosaaso

Puntland oo War kasoo saartay dilal ka dhacay Garoowe iyo Boosaaso

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Maamulka Puntland ayaa maalmo kadib  ka hadlay Gabar yar oo si arxan darro ah loo dilay, taasi oo Meydkeeda laga helay xaafad ka tirsan Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari iyo Dil Garoowe loogu geystay Mas’uul ka tirsan Maxkamadda Ciidamada Maamulka. Qoraal kasoo baxay Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland ayaa waxaa lagu sheegay Xafiiska Difaacaha […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maamulka Puntland ayaa maalmo kadib  ka hadlay Gabar yar oo si arxan darro ah loo dilay, taasi oo Meydkeeda laga helay xaafad ka tirsan Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari iyo Dil Garoowe loogu geystay Mas’uul ka tirsan Maxkamadda Ciidamada Maamulka.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland ayaa waxaa lagu sheegay Xafiiska Difaacaha uu Isha ku haayo dilka gabdha Meydkeeda laga helay Boosaaso iyo dilka  kaaliye ka tirsanaa Maxkamadda Ciidamada Puntland.

- Advertisement -

Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland ayaa laamaha amniga Maamulka faray inay baarirtaano dhab ah ku sameeyaan falalkii ka dhacay Garoowe iyo Boosaaso, iyadoo la ilaaliyo xuquudka qofka lagu tuhmayo inuu falalkaas ku lug lahaa.

Sidoo kale Xafiiska ayaa Hay’addaha Booliska iyo kuwa amniga ee Puntland ka dalbaday inay dhowraan xuquuqda kala duwan ee dadka rayidka, isla markaana sameeyaan taxadar khatar ku ah nolosha dadka.

“Boolisku waa in ay ka taxadaraan isticmaalka hubka iyo rasaasta, ahmiyad weynna siiyaan nolosha bini’aadamka, tuhun walba oo jira waa in loo maraa nidaamka sharciga ah” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland.

- Advertisement -

Qoraalkaan ayaa waxaa ku beegmaya, iyadoo dhawaan xaafad ka tirsan Boosaaso laga helay Meydka Gabar yar oo si arxan darro ah loo dilay iyo rag hubeysan oo 21-kii Octeeber Garoowe ku dilay Garyaqaan Maxamed Maxamuud Cabdi (Jaamuus) oo ka tirsnaa Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Puntland.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Difaacaha Xuquuqda.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts