HomeWararLaamaha amniga oo baadi goobaya rag hubeysan oo Dil geystay

Laamaha amniga oo baadi goobaya rag hubeysan oo Dil geystay

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Galmudug ayaa gudaha Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ka bilaabay howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Maleeshiyaadka hubeysan. Ciidamadaan oo isugu jira Boolis, kuwa xoogga dalka iyo NISA ayaa howlgalkaas ka wada xaafaddaha kala duwan ee Caabudwaaq, iyagoona ku raadinaya ragga maleeshiyaadka ah ee hubka la dhuumaaleysanaya. Saraakiisha […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Galmudug ayaa gudaha Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ka bilaabay howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Maleeshiyaadka hubeysan.

Ciidamadaan oo isugu jira Boolis, kuwa xoogga dalka iyo NISA ayaa howlgalkaas ka wada xaafaddaha kala duwan ee Caabudwaaq, iyagoona ku raadinaya ragga maleeshiyaadka ah ee hubka la dhuumaaleysanaya.

- Advertisement -

Saraakiisha hoggaaminaya howlgalka ayaa sheegaya in Ciidanka amniga ay Magaalada ka baadi goobayaa Nin ay sawirkiisa soo Bandhigeen, iyagoona ninkaas ku maray inuu hubka dhigo, isla markaana Ciidanka amniga isku soo dhiibo.

Sidoo kale Saraakiisha ayaa dadka hubka sharci darrada heysta ku amray inay hubka dhigaan, iyagoona tilmaamay in cidii fulin weyda amarkaas laga qaadi doono tallaabo adeg oo sharciga waafaqsan.

Dhawaan ayay aheyd markii magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud lagu dilay laba ruux oo kamid ahaa dadka deegaanka, waxaana dadkaas dilay rag hubeysan oo u abaabulan qaab maleeshiyo beeleed ah, kuwaasi oo haatan laga raadinayo gudaha Magaalada.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts