HomeWararFaah faahin:-Israsaaseyn khasaaro geysatay oo ka dhacday Muqdisho

Faah faahin:-Israsaaseyn khasaaro geysatay oo ka dhacday Muqdisho

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Israsaaseyn Ciidamo ka tirsan kuwa nabadsugida dowladda Federaalka Soomaaliya iyo rag hubeysan waaberigii hore ee saakay ku dhexmartay Magaalada Muqdisho. Israsaaseynta ayaa sigaar ah uga dhacday Isgoyska Dabka ee Muqdisho, waxaana la sheegay in rag hubeysan iyo Ciidanka Nabadsugida dowladda ay mur qura rasaas isku bilabeen, kadibna ragga hubeysnaa […]

- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Israsaaseyn Ciidamo ka tirsan kuwa nabadsugida dowladda Federaalka Soomaaliya iyo rag hubeysan waaberigii hore ee saakay ku dhexmartay Magaalada Muqdisho.

Israsaaseynta ayaa sigaar ah uga dhacday Isgoyska Dabka ee Muqdisho, waxaana la sheegay in rag hubeysan iyo Ciidanka Nabadsugida dowladda ay mur qura rasaas isku bilabeen, kadibna ragga hubeysnaa ay goobta baxsadeen.

- Advertisement -

Goobjoogayaal ayaa soo weriyay in saddex ruux  oo loo maleynayo inay ahaayeen dad shacab ah ay goobta ku dhinteen, kuwaasi oo Isgoyska mararyay xiligii uu falkaas dhacayay, isla markaana rasaasta ay haleeshay.

Intaas kadib Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska oo ku sugnaa meel aan sidaas uga fogeyn Isgoyska Dabka ayaa tegay halka falku ka dhacay, waxaana la tilmaamay in Ciidanka ay gacanta ku dhigeen dad dhowr ah oo u badan dhalinyaro.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Federaalka oo ku saabsan Israsaaseyntii Khasaaraha geysatay ee saakay ka dhacday Isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho.

- Advertisement -

Si kastaba Caasimadda dalka ee Muqdisho ayaa waxaa xiliyada qaarkood ay Israsaaseyn ku dhexmartaa Ciidanka amniga dowladda iyo rag hubeysan, waxaana mararka qaarkood Israsaaseynta khasaaro kasoo gaartaa dadka shacabka oo goobta ka Agdhow.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories