HomeWararMadaxweynihii hore ee Soomaaliya oo ku wajahan Magaalada Jowhar

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo ku wajahan Magaalada Jowhar

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta oo Axad ah waxaa ay ku wajahan yihiin Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle. Warar la helayo ayaa sheegaya in Ujeedka Sheekh Shariif uu yahay sidii loo dardar-gelin lahaa ololaha Doorashada Guddoonka Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo tan Madaxweynaha oo maalmaha […]

- Advertisement -

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta oo Axad ah waxaa ay ku wajahan yihiin Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Ujeedka Sheekh Shariif uu yahay sidii loo dardar-gelin lahaa ololaha Doorashada Guddoonka Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo tan Madaxweynaha oo maalmaha soo socda la filayo inay dhacaan.

- Advertisement -

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay Jowhar waxaa uu kulan uu la qaadan doonaa Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle, Xildhibaanad Cusub, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan Bulshada, isagoo kala hadli doono arrimo kala duwan.

Ilo-wareedyo ku sugan Jowhar ayaa sheegaya in saacadaha soo socda uu Sheekh Shariif tegi doono halkaas, isla markaana magaalada laga dareemayo qaban-qaaban soo dhaweynta Shariif  iyo wafdiga la socda.

Socdaalka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa waxaa ku soo aadayaa, iyadoo shalay si rasmi ah loo dhaariyay Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka labaad ee Maamulka Hirshabeelle, kuwaasi oo doortay Guddoon KMG ah, iyagoona kadib dooran doona Guddoonka Baarlmaanka iyo Madaxweynaha hoggaamin doona Maamulkaas.

- Advertisement -

Ammaanka guud ee Magaalada ee Caasimadda Hirshabeelle ayaa Maanta siweyn loo adkeeyay, waxaana ciidamo gaar ah lagu arkayaa wadada isku xirta Garoonka diyaaradaha Jowhar iyo Xarunta Madaxtooyadda Maamulka.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories