HomeWararTaliye ku-xigeenkii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo geeriyooday

Taliye ku-xigeenkii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo geeriyooday

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Alla ha u naxriistee waxaa dalka Ingiriiska Caasimaddiisa London ku geeriyooday Taliye ku-xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Maxamed Saxardiid (Cabdi Dhibow) oo muddooyinkanba ku sugnaa dalkaasi. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo la hadlay wakaaladda SONNA ayaa ka tacsiyadeeyey geeridii ku timid marxuum Cabdi Maxamed Saxardiid. “Waxaan halkan […]

- Advertisement -

Alla ha u naxriistee waxaa dalka Ingiriiska Caasimaddiisa London ku geeriyooday Taliye ku-xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Maxamed Saxardiid (Cabdi Dhibow) oo muddooyinkanba ku sugnaa dalkaasi.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo la hadlay wakaaladda SONNA ayaa ka tacsiyadeeyey geeridii ku timid marxuum Cabdi Maxamed Saxardiid.

- Advertisement -

“Waxaan halkan tacsi ugu dirayaa dhamaan umadda Soomaaliyeed iyo Qoyska iyo eheladii uu ka baxay Marxuum Sareeye Gaas Cabdi Maxamed Saxardiid taliye kuxigeenkii ciidanka Booliska Soomaaliyeed,oo ku geeriyooday dalka Ingiriiska,waxaana alle uga baryaya in naxriistiisa Janno uu ka waraabiyo”. Ayuu yiri Taliye Xijaar.

Warar la helayo ayaa sheegaya in maalmihii lasoo dhaafay uu xanuunsanayay Taliye ku-xigeenkii Ciidanka Booliska Cabdi Maxamed Saxardiid (Cabdi Dhibow), hayeeshee uu Maanta u dhintay.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories