HomeWararMadaxweyne Farmaajo oo durbo kulan la qaatay Wasiirada Cusub ee Xukuumadda

Madaxweyne Farmaajo oo durbo kulan la qaatay Wasiirada Cusub ee Xukuumadda

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay Golaha Wasiirada magacaaban ee Xukuumadda ee uu soo dhisay Ra’iisul Wasaaradda Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble. Kulanka oo ah midkii ugu horreeyay uu Madaxweyne Farmaajo la qaato Golaha Wasiirada xalay lagu dhawaaqay ayaa waxaa uu ahaa mid salaan iyo Is-barasho ah. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay Golaha Wasiirada magacaaban ee Xukuumadda ee uu soo dhisay Ra’iisul Wasaaradda Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble.

Kulanka oo ah midkii ugu horreeyay uu Madaxweyne Farmaajo la qaato Golaha Wasiirada xalay lagu dhawaaqay ayaa waxaa uu ahaa mid salaan iyo Is-barasho ah.

- Advertisement -

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay Ra’iisul Wasaare Rooble soo dhisidda Xukuumad tayo leh, doorka muuqda ee uu ka siiyey dhallinyarada, haweenka iyo sida uu xoogga u saarayo sii amba-qaadidda guulihii horumarineed ee dalku uu gaaray sanadihii la soo dhaafay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka codsaday Guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka ansixinta Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble, si loo dardar geliyo howlaha muhiimka ah ee horyaalla Golaha Xukuumadda, loona gaarsiiyo dalka doorasho hufan oo wakhtigeeda ku qabsoonta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle uga rajeeyey Golaha Xukuumadda ee la magacaabay in uu u fududeeyo masuuliyadda adag ee hortaalla, kana yeelo Gole si daacadnimo iyo wadaniyad leh ugu adeega shacabka Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Golaha Wasiirada magacaaban ee Xukuumadda ayaa ka kooban 27 Wasiir, waxaana la filayaa in Codka kalsoonida ah ay u qaadan Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka, si loo ansixiyo.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories