HomeWararMadaxweyne Farmaajo oo durbo kulan la qaatay Wasiirada Cusub ee Xukuumadda

Madaxweyne Farmaajo oo durbo kulan la qaatay Wasiirada Cusub ee Xukuumadda

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay Golaha Wasiirada magacaaban ee Xukuumadda ee uu soo dhisay Ra’iisul Wasaaradda Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble. Kulanka oo ah midkii ugu horreeyay uu Madaxweyne Farmaajo la qaato Golaha Wasiirada xalay lagu dhawaaqay ayaa waxaa uu ahaa mid salaan iyo Is-barasho ah. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay Golaha Wasiirada magacaaban ee Xukuumadda ee uu soo dhisay Ra’iisul Wasaaradda Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble.

Kulanka oo ah midkii ugu horreeyay uu Madaxweyne Farmaajo la qaato Golaha Wasiirada xalay lagu dhawaaqay ayaa waxaa uu ahaa mid salaan iyo Is-barasho ah.

- Advertisement -

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay Ra’iisul Wasaare Rooble soo dhisidda Xukuumad tayo leh, doorka muuqda ee uu ka siiyey dhallinyarada, haweenka iyo sida uu xoogga u saarayo sii amba-qaadidda guulihii horumarineed ee dalku uu gaaray sanadihii la soo dhaafay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka codsaday Guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka ansixinta Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble, si loo dardar geliyo howlaha muhiimka ah ee horyaalla Golaha Xukuumadda, loona gaarsiiyo dalka doorasho hufan oo wakhtigeeda ku qabsoonta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle uga rajeeyey Golaha Xukuumadda ee la magacaabay in uu u fududeeyo masuuliyadda adag ee hortaalla, kana yeelo Gole si daacadnimo iyo wadaniyad leh ugu adeega shacabka Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Golaha Wasiirada magacaaban ee Xukuumadda ayaa ka kooban 27 Wasiir, waxaana la filayaa in Codka kalsoonida ah ay u qaadan Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka, si loo ansixiyo.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts