HomeWararRa’iisul Wasaare Maxamed Rooble oo si rasmi ah xilka ula wareegay

Ra’iisul Wasaare Maxamed Rooble oo si rasmi ah xilka ula wareegay

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Siihayihii xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mahadi Maxamed Guuleed Khadar ayaa Goordhow xilka Ra’iisul Wasaarenimo si rasmi ah ugu wareejiyay Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Xukuumadda Federaalka Maxamed Xuseen Rooble oo dhawaan Codka kalsoonida la siiyay. Munaasabadda xil wareejinta oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyada ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirada xilka siiyaha, Xildhibaano iyo  Mas’uuliyiin kale oo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Siihayihii xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mahadi Maxamed Guuleed Khadar ayaa Goordhow xilka Ra’iisul Wasaarenimo si rasmi ah ugu wareejiyay Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Xukuumadda Federaalka Maxamed Xuseen Rooble oo dhawaan Codka kalsoonida la siiyay.

Munaasabadda xil wareejinta oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyada ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirada xilka siiyaha, Xildhibaano iyo  Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

- Advertisement -

Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha kala wareegay Mahdi Guuleed Maxamed Khadar, kaasi oo xilka haayay muddo laba bil, kadib markii Codka kasloonida ay Xildhibaanada Golaha Shacabka kala noqdeen Xasan Cali Kheyre.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Mahdi Guuleed uga mahadceliyay muddii xilka sida KMG ah aheyd ee uu u haayay, isagoona sheegay inuu soo dhisi doono Xukuumad tayo leh oo ka qeyb qaatada Arrimaha Doorashada dalka ee 2020/2021.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Warqad u diray Maxamed Xuseen Rooble, wuxuuna ku wargeliyay inuu diyaar u yahay inuu xilka ku wareejiyo, hayeeshee arrintaas suura-gal noqon weyday, meeshana ka baxsaday, kadib markii xilka uu wareejiyay Mahdi Guuleed.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts