HomeWararDigniin loo diray Saraakiisha Ciidanka Dowladda ee degan Dharkeenley

Digniin loo diray Saraakiisha Ciidanka Dowladda ee degan Dharkeenley

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Guddoomiyaha degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir Guhaad Sheekh Xasan ayaa ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee degmadiisa iyo howlgalo qorsheysan oo Ciidanka ay ka sameeyeen halkaas. Guddoomiye Guhaad oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu u sheegay in amniga Dharkeenley la dardar gelin doono, isagoo xusay in aan marnaba maamulka uusan aqbali doonin kooxaha hubeysan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiyaha degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir Guhaad Sheekh Xasan ayaa ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee degmadiisa iyo howlgalo qorsheysan oo Ciidanka ay ka sameeyeen halkaas.

Guddoomiye Guhaad oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu u sheegay in amniga Dharkeenley la dardar gelin doono, isagoo xusay in aan marnaba maamulka uusan aqbali doonin kooxaha hubeysan ee dhaca ka geysta degmadiisa.

- Advertisement -

Isaga oo sii hadlaayay Guddoomiyaha ayaa waxaa uu Saraakiisha Ciidanka dowladda ee degan Dharkeenley uga digay in ciidankooda u Ilaalada ah ay hub ku dhex wataan gudaha degmada, isla markaana looga baahan yahay inay Ciidanka ku heystaan Guriyahooda.

Sidoo kale Guddoomiye Guhaad ayaa tilmaamay in haddii fal dil ah uu ka dhaco agagaarka Guryahay ay Dharkeenley ka degan yihiin Saraakiisha Ciidanka dowladda ay Saraakiisha qaadi doonaan Mas’uuliyada falkaas.

Ugu dambeyn Guhaad Sheekh Xasan ayaa sheegay in howlgaladii ugu dambeeyay ee laga sameeyay Degmada lagu soo qabtay rag falal amni darro ah ka waday gudaha Dharkeenley, kuwaasi oo xabsiga la dhigay.

- Advertisement -

Si kastaba hadalka Guddoomiye Guhaad Sheekh Xasan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo dhowr jeer dad shacab ah dhac loogu geystay xaafaddo ka tirsan Dharkeenley, isla markaana dadka qaarkood la dilay, kadibna dhac loo geystay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts