HomeWararPuntland oo xukuno ku riday xubno ka tirsan Al-shabaab iyo Daacish

Puntland oo xukuno ku riday xubno ka tirsan Al-shabaab iyo Daacish

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo dembiyadda Culus ee Gobalada Bari, Sanaag, Karkaar, Gardafuu iyo Heylaan ayaa xukunno isugu jira dil iyo xabsi ku riday xubno lagu eedeeyay inay ka tirsan Al-shabaab iyo Daacish. Raggaas oo gaarayay 5 ruux ayaa waxaa Ciidanka amniga Puntland ay ku qabteen howlgal qorsheysan, iyagoo xiligaas ka tilmaamay inay wadeen falal […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo dembiyadda Culus ee Gobalada Bari, Sanaag, Karkaar, Gardafuu iyo Heylaan ayaa xukunno isugu jira dil iyo xabsi ku riday xubno lagu eedeeyay inay ka tirsan Al-shabaab iyo Daacish.

Raggaas oo gaarayay 5 ruux ayaa waxaa Ciidanka amniga Puntland ay ku qabteen howlgal qorsheysan, iyagoo xiligaas ka tilmaamay inay wadeen falal ami darro, waxaana maalmihii lasoo dhaafay socotay Maxkamadeyntooda.

- Advertisement -

Xeer Ilaaliyada Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Shanta Gobol Gaashanle Maxamed Xuseen Axmed ayaa Maxkamadda ka dalbaday in raggaas xukuno adeg lagu riday, kadib markii uu sheegay in raggaas ay deegaanadooda uga soo tageen inay dhibaateeyaan dadka ku dhaqan Puntland.

Maxkamadda ayaa Maxamuud Maxamed Saciid kabtan Boorash ku xukuntay dil toogasho ah, halka Eedeysanayaasha kala ah Xasan Moosow Cali Ibraahim, Cabdixakiin Cali Maxamed iyo Xuseen Cabduqaadir Maxamed shaafici ay ku xukuntay min 20 sanno oo xarig ah.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo dembiyadda Culus ee Gobalada Bari, Sanaag, Karkaar, Gardafuu iyo Heylaan Gaashaanle Ibraahim Bile Maxamed oo fadhiga Maxkamadda soo xiray ayaa sheegay in Cabdiqafaar Saciid Yuusf Aadan lagu riday xukun ah 15 sanno xabsi ah.

- Advertisement -

Puntland ayaa horey xukuno isugu jiray dil toogasho ah iyo xabsi Ciidan ah ku riday xubno lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen Al-shabaab iyo Daacish oo Puntland ay dagaal kula jirto isla markaana ku sugan deegaano Puntland.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts