HomeWararDil ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo faah-faahin kasoo baxeysa

Dil ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo faah-faahin kasoo baxeysa

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa gudaha Magaalada Muqdisho saakay ku dilay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska dowladda Soomaaliya, waxaana falkaas kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah. Sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Xidigle Buulle Xuseen, waxaana la sheegay in rasaas dhowr ah looga dhuftay qeybaha sare ee jirkiisa, isagoona goobta ku geeriyooday. Raggii […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa gudaha Magaalada Muqdisho saakay ku dilay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska dowladda Soomaaliya, waxaana falkaas kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah.

Sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Xidigle Buulle Xuseen, waxaana la sheegay in rasaas dhowr ah looga dhuftay qeybaha sare ee jirkiisa, isagoona goobta ku geeriyooday.

- Advertisement -

Raggii ka dambeeyay dilkaas ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday, isla markaana waxaa sida caadada aheyd halkaas daqiiqado kadib tegay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska, iyagoona qaaday Meydka Sarkaalka.

Marxuum Buulle ayaa waxaa uu kamid ahaa Saraakiisha Ciidanka Booliska dowladda ee u xil saarnaa sugida amniga Xarunta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ayaa waxaa mararka qaarkood ka dhaca dilal qorsheysan oo geystaan inta badan rag dhalinyaro ah oo ku hubeysan Bastoolado, waxaana falalkaas sheegta Al-shabaab.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts