HomeWararBanaanbax looga soo horjeedo Ciidanka Kenya oo ka socda Garbahaarey

Banaanbax looga soo horjeedo Ciidanka Kenya oo ka socda Garbahaarey

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Waxaa saakay Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo ka socda banaanbax xoogan oo ay dhigayaan dadka deegaanka, iyagoona uga soo horjeeda dhibtada ay wadaan Ciidanka dowladda Kenya ee howlgala Gobolkaas. Dadweyne farabadan oo careysan ayaa isugu baxay waddooyinka waaweyn ee Garbahaarey, waxaana banaanbaxooda ay uga soo horjeedan falkii Ciidanka Kenya maalmo kahor ay ka geysteen […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Waxaa saakay Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo ka socda banaanbax xoogan oo ay dhigayaan dadka deegaanka, iyagoona uga soo horjeeda dhibtada ay wadaan Ciidanka dowladda Kenya ee howlgala Gobolkaas.

Dadweyne farabadan oo careysan ayaa isugu baxay waddooyinka waaweyn ee Garbahaarey, waxaana banaanbaxooda ay uga soo horjeedan falkii Ciidanka Kenya maalmo kahor ay ka geysteen deegaanka Yaaddo ee duleedka Ceel-waaq.

- Advertisement -

Sidoo kale banaanbaxayaasha ayaa lagu soo warrramayaa inay ku qeylinayaan Erayo ka dhan ah Ciidamada Kenya, waxaana qaarkood ka dalbadeen dowladda Soomaaliya in Ciidankaas laga saaro Gobolka.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in gebi ahaan ay xiran yihiin goobaha Ganacsiga Magaalada Garbahaarey, isla markaana dadka ay ka qeyb qaadanayaan banaanbaxa ballaaran ee ka socda Magaalada.

Shalay ayaa waxaa inta badan Degmooyinka Gobolka Gedo sida  Baardheere, Beled-Xaawo, Ceelwaaq iyo meelo kale oo ka tirsan Gobolkaas ka dhacay Dibad-baxayo ballaaran oo looga horjeeday tacadiyo ay dadka shacab ah u geysteen Ciidanka Kenya.

- Advertisement -

Dad shacab ah oo waxba galabsan ayaa si bareer ah loogu dilay deegaanka Yaaddo ee duleedka Ceel-waaq, halka  afar qof kalena ay Ciidanka Kenya afduubteen oo mid kamid ah Meydkiisa la helay, waxaana Kenyaatiga ay dhibaatooyin dhowr ah ka geysteen Gedo.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts