HomeWararKenya Airways oo joojisay duulimaadyada dalal ay ku jirto Somalia + sababta

Kenya Airways oo joojisay duulimaadyada dalal ay ku jirto Somalia + sababta

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Shirkadda Diyaaradaha Kenya Airways ayaa ku shaaca ka qaatay inay joojisay duulimaadyadii ay ku tegi jirtay dala dhowr ah oo ay ku jirto Soomaaliya, kuwaasi oo dhamaantood ka tirsan Afrika. Qoraal kasoo baxay Shirkadda diyaaradaha Kenya Airways ayaa lagu sheegay in Shirkaddu joojisay duulimaadyadii caalamiga ahaa ay ku tegi jirtay 8-Caasimadood, iyadoona sababta ka hadashay. […]

- Advertisement -

Shirkadda Diyaaradaha Kenya Airways ayaa ku shaaca ka qaatay inay joojisay duulimaadyadii ay ku tegi jirtay dala dhowr ah oo ay ku jirto Soomaaliya, kuwaasi oo dhamaantood ka tirsan Afrika.

Qoraal kasoo baxay Shirkadda diyaaradaha Kenya Airways ayaa lagu sheegay in Shirkaddu joojisay duulimaadyadii caalamiga ahaa ay ku tegi jirtay 8-Caasimadood, iyadoona sababta ka hadashay.

- Advertisement -

Sababta ayay ku sheegtay Shirkadda inay tahay dhibaato dhaqaale xoogan oo soo wajahday dalalkaas, isla markaana aysan laheyn awood ay ku sii wadi karaan duullimaadyada.

Caasimadaha ay ka joojisay duulimaadyadeeda Shirkadda Kenya Airways ayaa waxaa kamid ah Muqdisho (Soomaaliya), Jabuuti (Jabuuti), Khartoum (Suudaan), Luwanda  (Angola), Maputa (Mosambiik), Blantyre ( Malawi), Bamako (Maali) iyo Brazzaville ( Jamhuuriyadda Kongo).

Ugu dambeyn Shirkadda Diyaaradaha Kenya Airways ayaa tilmaamay inay sii wadi doonto Isku xirka duulimaadyada ee Shirkadaha ay wada-shaqeynta leeyihiin, waxaana Go’aanka joojinta duulimaadyadii ay ku tegi jirtay dalalkaas uu kusoo aadayaa, iyada oo hal isbuuc kadib, dib la furay duulimaadyada Caalamiga ee Kenya, xili kal horey loo xiray Cudurka COVID-19.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories