HomeWararDad lagu soo qabtay oo Howlgal Culus oo weli ka socda Guriceel

Dad lagu soo qabtay oo Howlgal Culus oo weli ka socda Guriceel

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Taliyaha Ciidanka Booliska Magaalada Guriceel Daahir Faarax ayaa faah faahin ka bixiyay howlgalo kala duwan oo ka socda gudaha Magaalada, kadib markii xalay halkaas uu ka dhacay weerar loo adeegsadayn Bam-gacmeed. Taliye Faarax oo warbaahinta kula hadlay Guriceel ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka amniga Galmudug ay howlgal kala duwan  ka wadaan Magaalada, isla markaana […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Taliyaha Ciidanka Booliska Magaalada Guriceel Daahir Faarax ayaa faah faahin ka bixiyay howlgalo kala duwan oo ka socda gudaha Magaalada, kadib markii xalay halkaas uu ka dhacay weerar loo adeegsadayn Bam-gacmeed.

Taliye Faarax oo warbaahinta kula hadlay Guriceel ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka amniga Galmudug ay howlgal kala duwan  ka wadaan Magaalada, isla markaana uu Ujeedkiisu yahay sidii loo xalin lahaa amniga.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay Taliyaha in howlgalkaas lagu soo qabtay gaadiid badan oo ay ku dejisnaayeen miraayadaha Madow, kuwaasi oo la geeyay Saldhiga Booliska, si looga fiiqo Miraayadaha Madowga ah.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Booliska Guriceel ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka amniga ay ku guuleysteen soo qabashada waxyaabaha maandooriyaha oo la doonayay in lagu isticmaalo gudaha Guriceel, hayeeshee laga hortegay.

Isaga oo sii hadlaayay Taliye Daahir Faarax ayaa uu Digniin u diray gaadiidleyda ka howlgasha Magaalada Guriceel, wuxuuna u sheegay in cidii lagu arkayo, iyada oo gaarigeyda ku dejisan yahay Miraayadaha Madow laga qaado doono tallaabo adeg.

- Advertisement -

Ugu dambeyntii Ciidanka amniga Galmudug ayaa howlgalka kusoo qabtay dad dhowr ah  su’aallo laga waydiinayo, weerarkii xalay lagu qaaday Guri uu Guriceel dagan yahay Cabdullaahi Cabdi Raage oo ah Gaashaanle sare oo ka tirsan Nabadsugida Galmudug.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts