HomeWararDEG DEG:-Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

DEG DEG:-Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Waxaa Goordhow Qarax xoogan laga maqlay qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya gaar ahaan Nawaaxiga Isgoyska Tababuunka ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir. Qaraxa ayaa la sheegay in loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa, iyadoona la sheegay in lagu weeraray Xerada Generaal Gordan oo ku taalla meel ku dhow Tarabuunka. Juga […]

- Advertisement -

Waxaa Goordhow Qarax xoogan laga maqlay qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya gaar ahaan Nawaaxiga Isgoyska Tababuunka ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa la sheegay in loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa, iyadoona la sheegay in lagu weeraray Xerada Generaal Gordan oo ku taalla meel ku dhow Tarabuunka.

- Advertisement -

Juga qaraxa ayaa siweyn loo maqlay inta badan Degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana sido kale cirka isku shareertay uuro iyo qiiq madow, waxaana la xiray aaga uu qaraxy ka dhacay.

Ilaa iyo hada lama Oga Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Qaraxaasi ka dhaca Magaalada Muqdisho.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories