HomeWararDowladda Somalia oo ku dhawaaqday in dib loo furayo Xarunta CID-da

Dowladda Somalia oo ku dhawaaqday in dib loo furayo Xarunta CID-da

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Iyadoo dhawaan dowladda Soomaaliya ay shaacisay in shaqaalaha dowladda ay dib ugu laabtaan shaqooyinkoodi kadib saameyntii Covid-19 ayaa waxaa dib u bilowday inta badan adeegyadii muhiimka ahaa ee bulshadu ay ka heli jireen hay”adaha dowladda. Adeegyadii CID oo dadweynuhu ay ka heli jireen warqadda dembi la’aanta ayaa lagu wadaa in malinta beritu ah 14-July 2020 […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Iyadoo dhawaan dowladda Soomaaliya ay shaacisay in shaqaalaha dowladda ay dib ugu laabtaan shaqooyinkoodi kadib saameyntii Covid-19 ayaa waxaa dib u bilowday inta badan adeegyadii muhiimka ahaa ee bulshadu ay ka heli jireen hay”adaha dowladda.

Adeegyadii CID oo dadweynuhu ay ka heli jireen warqadda dembi la’aanta ayaa lagu wadaa in malinta beritu ah 14-July 2020 dib loo bilaabo, sida SONNA u sheegay Afhayeeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Dhame Sadiiq Aadan Cali.

- Advertisement -

“Waxaa dib loo bilaabayaa adeegii warqadda dembi la’aanta ee (CID maalinta beritu ah oo taariikhdu tahay 14-july 2020,iyadoo la sameeyo habraacyo cusub iyo isbedello kuwaasi oo bulshada u sahlaya in si fudud loogu adeego,loogana taxadaro Covid-19 iyo amniga shacabka,weji xir(Masks ayay dadku soo qaadanayaan,shaqaduna waxaa ay bilaabanaysaa 6:00 aroornimo ilaa 12: Duhurnimo ayayna soconaysaa”.ayuu yiri Afhayeenka ciidanka booliska.

Afhayeeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Dhame Sadiiq Aadan Cali oo u waramayay SONNA ayaa intasi ku daray in tirada dadka maalinkasta laga dhigay 150 qof,halkii hore ka ahaan jirtay 300,taasi oo qeyb ka ah taxadarka bulshada caafimaadkooda.

Dhame Sadiiq Aadan Cali ayaa sheegay in dadka qurba joogta ah ay adeegyadaasi ku heli karaan habkii qadka internetka ee(onlike-ka) ,iyagoo la xiriiraya safaaradaha wadamada ay joogaan,wuxuuna xusay in aan la ogolaan doonin in shaqaalaha dowladda aanay qof soo raacin si loo ilaaliyo musuqa,iyo kala horeynta dadka,iyadoo dadka baahiyaha gaarka ah qaba si gaar ah loogu adeegi doono,looguna tagayo goobohooda.

- Advertisement -

Howlihii shaqo ee CID ayaa la joojiyay 19kii bishii Marso 2020,sababo laxiriira Covid-19,Warqadda CID laga qaato ayaa khuseysa, Visaha,Baasaboorka,Leysimada iyo qofka shaqo doonka ah.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts